Hordhac: Liverpool vs Real Madrid – Rikoodhada Ay Kala Haystaan, Xogta

Liverpool iyo Real Madrid ayay midkood iska xaadirin doontaa wareegga semi-finalka tartanka Champions League, waxaana Reds ay ku ducaysanaysaa in ay keento laba gool oo jawaab la’aan ah si ay u rumayn karto riyadeeda ah in ay mar kale samayso soo-laabasho cajiib ah.

Kooxda reer England ayaa ciyaartii hore ee ay u safartay waddanka Spain, waxa 3-1 kusoo garaacday Real Madrid oo caawana Anfield ku hortaagan.

Tababare Jurgen Klopp ayay kooxdiisu tartanka kaliya ee ay ku jirtaa uu yahay Champions League iyagoo waqti hore macasalaameeyey dhamaan tartamada maxalliga ah ee Egland, isla markaana kaalinta lixaad kaga jira horyaalka Premier League, taas oo ka dhigan in xataa ay halis ugu jiraan in aanay afarta sare imanin.

Laakiin Real Madrid ayaa xaalad aad uga duwan ku jirta, waxaana iyadoo faa’iidada kulankan ku haysata guushii ay hore usoo gaadhay, ay haddana dheer tahay horyaalka Spain ee LaLiga oo ay kaalinta labaad ku jirto, isla markaana hal dhibic kaliya ay ka hoosayso Atletico Madrid oo hoggaanka haysa.

Xaqiiqooyinka kulanka

Kaddib markii ay Real Madrid ku guuleysatay saddexda koob ee xidhiidhka ah ee Champions League, Liverpool waxay guul-darraysatay dhamaan afartii jeer ee ugu dambeeyey ee ay ka hor tagtay kooxdan, waxaanay rikoodhkan xun isku mid ka yihiin Benfica oo afar jeer tartankan lagu garaacay.Real Madrid ayay u tahay markii saddexaad ee ay u safarto Anfield kulan ka tirsan Champions League. March 2009, waxa 4-0 ku badisay Liverpool, laakiin October 2014 ayay Real Madrid kusoo badisay 3-0.Shan ka mid ah 11kii guul-darro ee Liverpool ka soo gaadhay Champions League, waxay ahaayeen kuwo kasoo gaadhay kooxo reer Spain ah, waxaanay Real Madrid noqon doontaa haddii ay badiso, kooxiid labaad ee laba jeer ku badisa Anfield, waxaana ka horreysay Barcelona.Real Madrid waxay goolal dhalisay dhamaan 23kii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee UEFA Champions League ka tirsan, gaar ahaan marxaladaha isreeb-reebka tooska ah, waxaana ugu dambaysay in ay shabaqa taaban weydo ciyaartii barbarraha goolal la’aanta ay ku kala baxeen Manchester City xilli ciyaareedkii 2015-16 oo semi-finalka ay ku kulmeen. Muddadaas waxay Real Madrid soo dhalisay 50 gool.Labadii gool ee Vinicius Junior ka dhaliyey Liverpool lugtii hore ee labada kooxood, waxay ahaayeen goolashii ugu badnaa ee wada socda ee uu dhaliyey 17kii ciyaarood ee Champions League ah ee uu saftay.Mohamed Salah ayaa goolal soo dhaliyey afartii ciyaaroo ee ugu dambeeyey ee Champions League ah – Ciyaartoyga kaliya ee Liverpool ah ee shan kulan oo isku xiga oo European Cup/Champions League ah ee goolal dhaliya wuxuu ahaa Steven Gerrard oo rikoodhkaas sameeyey xilli ciyaareedkii 2007-08.

Xogta kulanka

Ciyaarta: Liverpool vs Real Madrid

Tartanka: Champions League, lugta labaad ee wareegga siddeeda

Waqtiga: 10pm – Saacadda Geeska Afrika

Garoonka: Anfield

Wararkii u dambeeyey labada kooxood

Liverpool waxa dib ugu soo laabtay laacibka khadka dhexe ee Curtis Jones oo kasoo kabtay dhaawac uu ku seegay ciyaartii Aston Villa ee Sabtidii, laakiin waxa uu kulankani waqti hore ku yahay kabtan Jordan Henderson iyo xiddigaha difaaca ee Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip, taas oo macnaheedu tahay, in difaaca dhexe ay kusoo bilaabmi doonaan ciyaartoyda bilaa khibradda ah ee Ozan Kabak iyo Nat Phillips.

Real Madrid ayaa iyaduna kasii diciiftay sidii ay ahayd lugtii hore, waxaana Sabtidii ka dhaawacmay Lucas Vazquez oo laga saaray garoonka qaybta hore ee kulankii El Clasico ee ay ku garaaceen Real Madrid, taas oo macnaheedu tahay, in Alvaro Odriozola uu kusoo bilaaban doono difaaca midig.

Zinedine Zidane ayaa ciyaartan dib u helay laacibka khadka dhexe ee Federico Valverde, hase yeeshee waxa maqaneyaal ah Eden Hazard, Sergio Ramos iyo Dani Carvajal oo uu ku biiray Raphael Varane oo xanuunsanaya.

Kulamadii ay labadan kooxood iska hor yimaaddeen

Kulanka caawa ayaa noqonaya markii siddeedaad ee Liverpool iyo Real Madrid ay kulmaan, waxaana gacanta sare lahayd Real Madrid oo afar mar badisay, halka Liverpool ay saddex guuleysatay, laakiin afarta jeer ee Real Madrid ayaa dhamaantood ahaa afartii mar ee ugu dambeeyey ee ay iska hor yimaaddeen.

Liverpool laba jeer ayay Anfield ku qaabbishay Real Madrid, marna way badisay marna waa laga badiyey.

Karim Benzema ayaa ahaa dilaaga ay Liverpool waajahaysay kulamadaas, waxaanu ka dhaliyey afar gool.

Haddii Real Madrid ay badiso, Liverpool ayaa loo qori doonaa rikoodh xun oo ah in Real Madrid ay noqonayso kooxdii ugu horreysay ee afar ciyaarood oo isku xiga ku garaacda tartanka Champions League.

Shaxaha macquulka ah ee labada kooxood

Liverpool: Alisson; Alexander-Arnold, Phillips, Kabak, Robertson; Fabinho, Wijnaldum, Milner; Salah, Firmino, Mane

Real Madrid: Courtois; Odriozola, Nacho, Militao, Mendy; Casemiro, Kroos, Modric; Asensio, Benzema, Vinicius Jr

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More