Everton Oo Saddex Dhibcood Oo Hadiyad Ah Ka Heshay Goolhaye Bernd
Kooxda kubadda cagta Everton ayaa guul dahabi ah oo ay ugu soo dhowaatay kaalmaha sare waxay kasoo heshay Arsenal oo ay ku booqatay Emirates Stadium.Kulankan oo intii aanu bilaabmin ay hadheeyeen mudaharaadyo bannaanka garoonka ka dhacay oo ay kumannaan taageereyaal ahi iskugu yimaaddeen, ayaa waxa labada kooxood kala saaray gool uu iska dhaliyey goolhaye Arsenal oo kubbad uu damacsanaa in uu gacanta ku qabsaday ay ka hoos-baxday kaddibna lugta kaga dhacday, sidaasna ku noqotay gool.Arsenal oo inta badan maamulanaysay…