Iska Ilow N’Golo Kante & Jorginho – Labada Xiddig Ee Ugu Saamaynta
Difaacii hore ee xulka qaranka England iyo Chelsea ee Wayne Bridge ayaa amaan u jeediyey laba ka mid ah ciyaartoyda Blues oo uu sheegay in ay xilli ciyaareedkan soo bandhigeen ciyaar heerkeedu sarreeyo, isla markaana ay yihiin kuwa ugu saamaynta badan kooxda.Chelsea ayaa qaab ciyaareed cajiib ah lasoo baxday intii uu tababarenimada la wareegay Thomas Tuchel oo bishii January beddelay Frank Lampard, waxaanay illaa waqtigaas kooxdu soo bandhigaysay ciyaar sarraysa iyo guulo xidhiidh ah.Markii uu Tuchel yimid, waxay Chelsea ku…