Barcelona Oo Guul-darro Xanuun Badan La Kulantay Iyo Fursad Ay
Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa guul-darro xanuun badan loogu xambaariyey garoonkeeda Camp Nou, waxaana 2-1 ku garaacday Granada oo goolasheeda qaybtii dambe heshay.Barcelona oo haddii ay guuleysan lahayd hal dhibic ku qaban lahayd hoggaanka horyaalka Spain ee LaLiga xilli shan kulan oo kali ahi hadhsan yihiin, ayaa waxay la hormartay gool uu qaybtii hore u saxeexay kabtankooda Lionel Messi, kaas oo niyadda u geliyey xiddigaha kooxdiisa in horyaalku gacantooda ku jiro.Laakiin qaybtii dambe ayaa lama filaan ku dhacay,…