Liverpool, Leicester & Chelsea Midkooda 5aad Gelaya – Mark Lawrsenson

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa lasoo gabogabaynayaa Axadda iyadoo ay wali taagan tahay doodda ah Chelsea, Liverpool iyo Leicester City midkooda ka bixi doona afarta sare ee xilli ciyaareedka dambe ka dheeli doona Euorpa League.

Manchester City ayaa berri oo Axad ah la guddoonsiin doonaa koobka horyaalka Premier League ee ay ku guuleysatay, waxaana uu Pep Guardiola u dabbaal-degi doonaa horyaalkiisii saddexaad ee afar sannadood gudahood.

Kaalmaha koowaad iyo labaad hadal kama joogo, sidoo kalena saddexda boos ee ugu hooseeya ee herka labaad u degaya mar hore ayaa la go’aamiyey, waxaase uu dagaal ka jiraa oo ilaa daqiiqadda ugu dambaysa go’aanka la sugi doonaa boosaska saddexaad iyo afraad.

Chelsea oo kaalinta saddexaad ku jirta ayaa Axadda u tegaysa Aston Villa, Liverpool oo afraad soo gashay toddobaadkii hore ayaa qaabbili doonta Crystal Palace halka Leicester ay garoonkeeda King Power Stadium kusoo dhoweyn doonto Tottenham.

Waa saddex kulan oo adag oo ay wax walba ka dhici karayaan, waxaase khabiirka ciyaaraha Mark Lawrenson oo xilli ciyaareedkan oo dhan samaynayay saadaasha horyaalka Premier League uu sii kala saaray saddexdan kooxood.

Lawro ayaa saadaashiisa xilli ciyaareedka kusoo xidhay in farxad uu ugu sii bushaareeyey Chelsea oo uu u saadaaliyey kaalinta saddexaad iyo Liverpool oo uu afraad u tilmaamay, halka Leicester City uu rajo la’aan kusii riday oo uu tibaaxay in ay guul-darro kala kulmi doonaan Tottenham.

Chelsea ayaa uu khabiirku saadaaliyey in 2-0 ay kaga soo adkaan doonto Aston Villa, taasina ay u damaanad qaadayso in ay ku dhamaystaan kaalinta saddexaad iyagoo 70 dhibcood helaya, halka Liverpool ay natiijo la mid ah ka heli doonto Crystal Palace oo ay ku garaaci doonto 2-0, taas oo haddii ay dhacdo ay ku yeelan doonaan 69 dhibcood iyo kaalinta afraad oo damaanad u ah.

Leicester City oo muddo kaalinta labaad ku jirtay, haddana usoo dhacday saddexaad ka hor intii aanay Chelsea hoos  usoo dhigin toddobaadkii hore oo ay Liverpool na ku dhaaftay farqiga goolasha ayaa waxa lagaga badin doonaa 2-1 sida  uu saadaaliyey Mark Lawrenson.

Saadaasha kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan.

Arsenal 2-0 Brighton

Aston Villa 0-2 Chelsea

Fulham 1-1 Newcastle

Leeds 2-0 West Brom

Leicester 1-2 Tottenham

Liverpool 2-0 Crystal Palace

Man City 3-0 Everton

Sheffield United 1-1 Burnley

West Ham 2-0 Southampton

Wolves 2-0 Manchester United

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More