SADDEXDAN Mid Dooro!! Lionel Messi Oo Lagula Taliyey Inuu Kala Doorto
Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa lagula taliyey in uu iskaga tago kooxdiisa Barcelona xagaagan, isla markaana uu kala doorto saddex kooxood oo waaweyn oo haddii uu ku biiro uu guulo waaweyn la gaadhi doono.Halyeygii xulka qaranka Argentina ee Mario Kempes ayaa u sheegay Lionel Messi, in xaaladda ay ku sugan tahay Barcelona waqtigan, ay adag tahay in ay dhowaanahan ku guuleysato Champions League, taasina ay isaga ka hor joogsan karto in uu mar dambe ku guuleysto abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or ee uu…