Liverpool ayaa soo afjartay inkaar ka haysatay kulamada garoonkeeda Anfield ee horyaalka Premier League, kaas oo siddeeddii ciyaarood ee ugu dambeeyey aanay wax guul ah ku helin, waxaana lagaga badiyey lix kulan iyo laba lagula barbarreeyey, laakiin caawa ayay taasi kasoo dhamaatay.Kaddib guul-darradii 3-1 ahayd ee Salaasadii ay kala soo kulantay Real Madrid, Liverpool ayaa si fiican u maamulatay kulankii caawa ee Aston Villa oo qaybtii hore ay fursado badan ka heshay, iyadoo 12 jeer ku toogatay goolka, laakiin diciifnimada…