Waa Immisa Lacagta Ay CAAWA Helayaan Manchester United Iyo Villarreal
Manchester United iyo Villarreal ayaa finalka Europa League ciyaaraya, waxaana finalkii shanaad ee Ole Gunnar Solskjaer uu keeno kooxdan ee aanu marnaba ku guuleysanin wax koob ah, laakiin Unai Emery ayaa saddex jeer oo hore soo qaaday koobakn.
Labada kooxood ayaa caawa la guddoonsiin doonaa abaal-marino iyo lacago, waxaana sida la fahmi karayo badsan doonta kooxda ku guuleysta koobka, waxaananu halkan idiinku soo gudbinaynaa wax kasta oo aad uga baahan tahay abaal-marinta lacageed ee ay heli doonto Manchester United ama Villarreal midkooda koobka ku guuleysta.
Kooxda ku guuleysata Europa League, ma heli doonto lacag u badan sida naadiga ku guuleysta Champions League oo kale, laakiin haddana waxay helaysaa lacago malaayiin Euro ah iyo sidoo kale in ay si toos ah ugu soo baxdo tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe.
Si la mid ah Champions League oo kale, Europa League ayaa wareeg kasta oo ay kooxuhu usoo gudbaan wax laga bixiyaa lacago, iyadoo ay tirooyinkana saamayn ku leedahay baahinta kulamada iyo saamaynta suuqa ay ku leeyihiin kooxuhu.
Xilli ciyaareedka 2020-21 ee sii dhamaanaya, waxa uu la mid yahay 2019-20 sababtoo ah Korona Fayras iyo garoomadii oo madhan ayay saamayntoodu wali taagan yihiin. Kooxda ku guuleysata Europa League ayaa waxay caawa ku guuleysan doontaa lacag dhan €8.5 milyan oo Euro, halka kooxda koobka laga qaadana la siin doono €4.5 milyan Euro oo kale.
Kooxaha kasoo qayb-galay tartanka ayaa waxa mid walba ay kasoo-qaybgalkeeda ku helaysaa €2.92 milyan oo Euro, waxaana u raacaya, in guul kasta oo ay koox walba soo gaadhay wareeggii group-ka, in ay ku helayso €570,000 Euro iyo barbarraha oo lagu siinayo lacag dhan €190,000 Euro.
Manchester United oo iyadu kasoo hadhay Champions League, waxay lacago badan ka helaysaa tartankaas kale ee ay soo ciyaartay. €23.4 milyan oo Euro ayaa ka-qaybgalkii iyo kulamadii ay guuleysatay ay ka heshay Manchester United, waxaana u raacaya €16.9 milyan oo Euro oo ah ku guuleysiga Europa League haddii ay koobka qaaddo.
Faahfaahinta lacagta
KaalintaLacagtaKooxda koobka qaadda€8,500,000Kooxda kaalinta labaad€4,500,000Wareeggii semi-finalka€2,400,000Wareeggii siddeedda€1,500,000Wareeggii 16ka€1,100,000Wareeggii 32ka€500,000Guuleysteyaashii Group-yada€1,000,000Kooxihii kaalmaha labaad kaga soo baxay Group-yada€500,000Barbarrihii group-yada€190,000Guulihii group-yada€570,000Kooxihii kasoo qayb-galay isreeb-reebka u dambeeyey€300,000Wareegii saddexaad ee isreeb-reebka €280,000Wareeggii labaad ee isreeb-reebka€260,000Wareeggii koowaad ee isreeb-reebka€240,000Wareegii isreeb-reebka ee ugu horreeyey€220,000