KOOXDA SANNADKA: Shaxda Kooxdii Ugu Fiicnayd Horyaalka Spain Ee LaLiga
Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa ka helay ciyaaryahannada ugu badan, shaxda kooxdii ugu fiicnayd horyaalka waddanka Spain ee LaLiga, sida lagu sheegay xogta ciyaaryahannadii ugu bandhigga fiicnaa.Shabakadda qiimaynta ciyaartoyda ee CIES Football Observatory ayaa soo xushay shaxda kooxdii ugu wanaagsanayd horyaalka Spain ee LaLiga, taas oo ay u cuskatay xor ururin ay kasoo qaadatay shabakadda OptaPro.Labada kooxood ee Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa min saddex ciyaartoy ku yeeshay kooxda ugu wanaagsan sannadka ee…