“Tani Waa Dhaawac Sii Kordhinaya Dhibaatadaydii Xilli-ciyaareedka, Waa

Xulka qaranka Spain ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ayaa lagu dhawaaqay maanta, waxaana laga reebay kabtan Sergio Ramos oo markii ugu horreysay muddo 18 sannadood ka badan ka maqnaanaya xulkiisa.

Laacibkan ayaa ka  hadlay go’aanka tababare Luis Enrique uu ka qaatay ee ah in uu ka reebo xulka qaranka, waxaana uu tilmaamay in ay tahay natiijo ka dhalatay bilihii xumaa iyo xilli ciyaareedkii adkaa ee ay ruxeen dhaawacyo.

Qoraal uu Sergio Ramos ku daabacay bartiisa bulshada ee Instagram ayuu ku yidhi: “Kaddib bilo xun iyo xilli ciyaareed aan caadi ahayn oo ka duwan wax kasta oo aan soo maray intii aan kusoo jiray xirfaddayda ciyaareed, in la iga reebay tartanka Yurub taas ayuun bay qayb ka noqonaysaa.

“Waan dagaallamay, si adag ayaanan uga shaqeeyey jidhkayga iyo ruuxdayda si aan boqolkiiba boqol ugu noqon karo Real Madrid iyo xulka qaranka, laakiin mar walba sida aad doonayso wax ma noqonayaan.

“Way i dhaawacaysaa in aanan kooxdayda in badan caawin iyo in aanan u ciyaarayn Spain, laakiin xaaladdan, way fiican tahay in aan nasto, si buuxdana ugu soo kabto sannadka dambe, una soo laabto sidii aan mar walba samayn jiray.

“Way ku dhaawacaysaa in aanad waddankaaga matalayn, laakiin waa in aad daawacad u ahaato, una niyad-samaato.”

Intaas kaddib waxa uu farriin u diray ciyaartoyda xulka qaranka oo uu u muujiyey taageero, waxaanu yidhi: “Nasiib-wanaagsan ayaan u rajaynayaa dhamaan ciyaartoyda aanu isku kooxda nahay, waxaanan rajaynayaa in aanu qaadan doono tartan wanaagsan oo Euro 2020 ah.

“Guriga ayaan idiinka soo taageeri doonaa sida qof kasta oo kale oo reer Spain ah. Salaan diirran ayaan u dirayaa qof kasta.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More