Buuranoow, Kuma Doonayno! Jamaahiirta Everton Oo Colaadda Liverpool

Taageereyaasha kooxda kubadda cagta Everton ayaa mudaharaad kala hor-tegay tababaraha la filayo in kooxdaasi magacowdo ee Rafael Benitez, kaas oo ay diiddan yihiin maadaam uu Liverpool u qaaday Champions League iyo FA Cup.

Everton iyo Liverpool oo isku magaalo ka dhisan ayay ka dhaxaysaa colaad aad u wyen oo soo jireen ah, waxaana taageereyaasha ku adag, in shaqsi kooxda kale guulo gaadhsiiyey uu iyaga u yimaaddo.

Benitez ayaa ku qoran liiska tababareyaasha halyeeyada Liverpool maadaama uu sannadkii 2005 u qaaday Champions League oo waliba ay ka daba yimaaddeen AC Milan oo 3-0 ku hoggaaminaysay isla markaana ay saddexdaba wax ka yar toban daqiiqadood kaga daba keeneen, kaddibna rikoodheyaal uu Dudek halyey ka ahaa ay koobka ku guuleysteen.

Toffees ayaa la sheegay inay qarka u saaran tahay magacaabista Benitez oo in muddo ah shaqo la’aan ahaa, laakiin jamaahiirta Everton ayaa baraha bulshada kusoo bandhigay sida ay uga xun yihiin in tababaraha reer Spain oo muddo lix sannadood ah joogay Anfield uu hadda yimaaddo Goodison Park.

Boodhka sare  ee maamulka Everton ayaa iyagana la sheegay inay ku kala qaybsameen magacaabista Bentiez oo ka mid ah tababareyaasha ugu khibradda badan ee ay kooxdaasi heli karto, laakiin Farhad Moshiri oo saamiga ugu badan ee Everton leh ayaa go’aansaday inuu magacaabo Benitez,.

Baraha bulshada oo ay taageereyaasha Everton kusoo bandhigeen sida ay uga horjeedaan Benitez, ayaa waxay gidaaradda Goodison Park na ku dhajiyeen tabbeeleyaal ay mudaharaadkooda ku muujinayaan.

Mid ka mid ah tabbeeleyaasha ayaa waxa ku qoran: “Kuma soo dhoweynayno Rafa.” Mid kale ayaa isagana ay ku qoran yihiin: “Kuma doonayno buuranow!”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More