RASMI: Xiddigii Sannadka Ee Arsenal Oo Lagu Dhawaaqay Iyo Laacibka Ku
Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa shaacisay xiddigii ugu wanaagsanaa kooxdeeda xilli ciyaareedkii tegay, waxaana ku guuleystay 19 jir wacdaro ka dhigay garoomada oo ka bandhig sarreeyey ciyaaryahannadii kale ee waaweynaa.Bukayo Saka ayay u ahayd toddobaad farxadeed sababtoo ah, waxa uu markii ugu horreysay u saftay xulka qaranka England oo uu waliba u dhaliyey goolkii madiga ahaa ee ay kaga badiyeen Austria oo ay ciyaar saaxiibtinimo ku kulmeen, taas oo ay iskugu diyaarinayeen tartanka qaramada Yurub.Da’yarkan oo qayb ka ah…