Taliye Cusmaan Xaadoole oo soo saaray digniin culus
Muqdisho (Axadle) – War qoraal ah oo ka soo baxay taliyaha ciidanka ilaalada xeebaha ee maamulka HirShabeelle Korneyl Cusmaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) ayaa diginin xooggan loogu diray Maraakiibta Kalluumeysi ee shisheeye iyo kuwa wata calanka Soomaaliya, kuwaasoo dhamaantood heysan shatiga ama ruqsadda maamulka.
Qoraalka ka soo baxay taliyaha ayaa lagu sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono Markab kasta oo arrintaan isku daya ama hadda ku howlan, iyadoo loogu baaqay in ay dhaqso u raadsadaan shatiga maamulka.…