Hudson-Odoi Oo Beddelaya Dhalashadii Ingiriiska Ah, Una Ciyaaraya
Xiddiga Chelsea ee Callum Hudson-Odoi ayaa bixiyey qish caddaynaya in ay suurtogal tahay in uu beddelo dhalashadiisa Ingiriiska ah oo uu joojiyo in uu u ciyaaro xulka qaranka England oo uu saddex kulan u saftay, isla markaana uu ku biiro xulka waddaka Ghana ee uu asal ahaanta kasoo jeedo.
Callum Hudson-Odoi oo 20 jir ah ayaa kulankii ugu horreeyey ee xulka England ee waaweyn waxa uu saftay 2019 isagoo beddel kusoo galay, waxaana uu kusoo bilowday kulankii xigay ee maalmo kaddib ay la ciyaareen Montenegro.
Sidaas oo ay tahay, Hudson-Odoi waxa uu u ciyaari karayaa oo sharcigu u ogol yahay inuu beddelo dhalashadiisa oo uu u ciyaaro xulka qaranka Ghana ee uu asal ahaan kasoo jeedo, halkaas oo uu waqtigan ku sugan yahay.
Hudson-Odoi ayaa fasax ku tahay Ghana markii uu soo dhamaaday xilli ciyaareedku, lagana reebay xulka qaranka England ee ka qayb-gelaya tartanka qaramada Yurub, waxaanu halkaas kula kulmay carruur da’yar ah oo ku riyoonaya in ay noqdaan ciyaartooyo caan ah sidiisa oo kale.
Mar uu warbaahinta kula hadlayay Ghana, ayaa Callum Hudson-Odoi la weydiiyey haddii uu beddelayo dhalashadiisa oo uu u ciyaarayo xulka qaranka uu asal ahaanta kasoo jeedo, intii uu ka tirsanaan lahaa England oo aanu fursado ku haysan, waxaana uu ku jawaabay: “Waxay ila tahay, in marka aad da’yar tahay, ay fursad kuu tahay in aad u ciyaarto England heerarkooda kala duwan laga soo bilaabo 15-jirrada illaa 16 jirrada.
“Markii ay fursadda isiiyeen waxan joogay waddanka. Waxay ahayd wax marka horeba maskaxdayda ku jiray, in aan u ciyaro England. Markaa waxay ahayd arrinta kala doorashada Ghana ama England, ugu dambayntana waxa ila talinaya dadka wanaagsan ee igu xeeradan, waxa saxda ah ama qaladka ah. England way timid, waxaanan ku tidhi ‘Haa, aan u ciyaaro waddankayga’. Laakiin waxa kale oo aan u sheegay in Ghana ay tahay hoygaygii {waddankayga}, markaa waynu eegi doonaa. Anigu ma garanayo {waqtigan} in aan u ciyaari doono England ama Ghana”.
Muxuu sharcigu ka qabaa?
Sida uu dhigayo sharciga FIFA, Callum Hudson-Odoi ayaa u ciyaari kara xulka qaranka Ghana maadaama aanu England u safanin wax ka badan saddex ciyaarood oo heerka koowaad ah.
Midda kale, dhamaan kulamadan ayaa uu saftay intii aanay da’diisu gaadhin 21 jir, laakiin waxa uu u baahan doonaa in muddo saddex sannadood ahi u dhaxayso waqtigii uu England u saftay kulankii ugu dambeeyey iyo xilliga uu dalbanayo in FIFA ay u ogolaato inuu Ghana u safto.