Facebook oo xukun laba sano ah ku ridday Donald Trump
Menlo Park (Axadle) – Shirkadda Facebook ayaa ku dhowaaqday inay Madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump ka mamnuucday isticmaalka shabakaddan muddo laba sano.
Facebook ayaa madaxweyne Trump ku eedeysay inuu huriyay weerarkii ay taageerayaashiisa ku qaadeen xarunta Congress-ka Mareykanka 6-dii Janaayo 2021, isaga oo u adeegsanaya baraha bulshada oo ay Facebook ku jirto.
“Ayada oo la eegayo baaxadda duruufihii hoggaamiyey in la xayiro Mr. Trump, waxaan aaminsannahay in ficilladiisa ay ka dhignaayeen xadgudub weyn…