Ma Doonayno!! Kooxdii Ugu Horreysay Ee Weyn Oo Diiday Saxeexa Sergio

Kooxda horyaalka Premier League ee Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay iska fogaysay fursad kasta oo ay iskugu dayayso saxeexa daafaca dhexe ee Real Madrid ka baxaya ee Sergio Ramos.

Manchester ayaa suuqa ugu jirta soo xero galinta daafac dhexe waxaana lala xidhiidhinayaa xiddigo uu ugu hadal hayn badan yahay Raphael Varane pp qudhiisu Real Madrid ka tirsan.

Man United ayaa si lamid ah Paris Saint-Germain iyo Man City lala xidhiidhinayaa saxeexa Ramos oo ka tagaya Madrid kaddib 671 kulan oo uu usoo ciyaaray kooxda.

Laakiin haatan wargeyska Sportsmail ayaa sheegaya in Man United ay gaadhay go’aanka ah inaysan u dhaqaaqin Ramos oo maanta bixiyay shirka jaraa’id ee uu ku macasalaamaynayo Real Madrid.

Ramos qudhiisa ayaa sanadkii 2016 qirtay inuu ku dhawaaday inuu ku biiro Manchester isla markaana uu ku riyaaqsanaa in kooxdaasi ay doonayso.

“Waxa jiray dalab ka yimid United, mudo ayaan ka fikirayay koox bedelasho laakiin Real Madrid ayaa markasta muhiimada koowaad ii ahayd dhibaato dhinaca dhaqaalaha ahina may jirin”

Sportsmail ayaa intaas ku daraya in PSG ay tahay kooxda ugu dhaw inay la saxeexato 35 sano jirka ree Spain.

 

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More