David De Gea Oo Weerar Ku Qaaday Kooxdiisa Manchester United Xilli Uu
Goolhayaha xulka qaranka Spain ee David de Gea ayaa weerar ku qaaday kooxdiisa Manchester United xilli uu ku sugan yahay waddankiisa Spain oo uu isku diyaarinayo ka qayb-galka tartanka qaramada Yurub.De Gea ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa bulshada, waxa uu ku canaantay Manchester United oo uu sheegay in ay si xun ula dhaqantay goolhayaha reer Argentina ee Sergio Romero oo shalay ay United ku dartay liiska ciyaartoyda ay fasaxday ee xagaagan sida xorta ah ku tegaya.Romero oo qandaraaskiisu ku egyahay dhamaadka bishan…