Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay saldhiga ay leeyihiin ciid…

Biyo cadde (Axadle) – Gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa lagu weeraray saldhig ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo cadde ee gobolka Shabeelada Dhexe.

Qaraxa oo ahaa mid dhawaqiisa laga maqlay goobo aad uga fog meesha uu qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay inuu geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sida dad goob joogayaal ah u sheegeyn Axadle, qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka.

Warar hor u dhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in Korneyl Saney Cabdulle uu ku dhaawacmay qaraxa lagu weeraray saldhigga ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaanka Biyo Cadde ee gobolka shabeellada dhexe.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in afar askari ay ku geeriyoodeen qaraxa, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Ma jirto weli cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, sidoo kalana Dowladda Soomaaliya weli kama aysan hadlin.

Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco axadle Online.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More