QISO CAJIIB AH: Aabihii Waa Amiir Nigeria Ah, Hooyadiina Waa

David Alaba ayaa ka caawinaya Austria inay rumayso riyada ah inay u gudubto wareegga 16ka tartanka Euro 2020, waxaana kaliya ka xigta in ay sidaas sameeyaan guul ay ka gaadhaan Ukraine ciyaarta ugu dambaysa hormadooda.

Laacibkan 28 jirka ah ayaa kulankiisii 83aad u saftay Austria kulankii xalay ay kasoo gaadhay guul-darrada 2-0 ah ee ay Holland ka badisay, taas oo uu waliba sameeyey qaladkii uu ku yimid goolka hore oo rikoodhe ahaa.

David Alaba oo dhowaan u wareegay Real Madrid, kana tegay Bayern Munich oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay, waxa uu xulka qaranka Austria u saftay 2009 isagoo metalayay ciyaartoyda da’doodu ka hoosayso 17 jirka, una gudbay 19-jirrada, usii dhaafay 21 jirrada ilaa uu kooxda koowaad ka mid noqday oo ugu dambayntiina uu yahay kabtankooda.

Tani waa qaybta muuqata ee noloshiisa, laakiin waxa jirta mid aan inta badan dadku maqal oo ah la xidhiidha waalidiintii, waqtigii waalidkii yimaaddeen Austria iyo arrimo kale.

David Alaba waxa uu ku dhashay magaalada Vienna ee waddanka Austria, waxaana dhashay hooyo reer Philippines ah oo lagu magacaabo Gina sannadkii 1992kii, taas oo ah kalkaaliso caafimaad.

Aabbihii oo magaciisu yahay George, waxa uu isaguna ahaa askarigii ugu horreeyey ee madow ah ee Austria yeelato, sidoo kalena waa muusig-yahan (musician) caan ah.

George ayaa qisadiisu cajiib tahay, sababtoo ah waa Amiir reer Nigeria ah, halka hooyadiina ay tahay kalkaaliso ka shaqayn jirtay caafimaadka oo ka hawlgeli jirtay cusbitaalada  Philippines.

Kaddib markii uu jaamacadda Vienna University ka bartay cilmiga dhaqaalaha, George ayaa u leexday dhinaca fanka iyo muusiga, waxaana uu dhalay Alaba iyo inan lagu magacaabo Rose May.

Labadan carruurta ah ayaa dhamaadka 1990meeyadii waxay noqdeen caan, iyadoo Alaba uu noqday ciyaartoy halka Rose May ay iyaduna raacday dariiqii aabbaheed oo ay baratay muusiga, waxaana iyadoo siddeed jir ay da’deedu noqotay ay ahayd xiddig tuntay piano.

David Alaba ayaa xirfaddiisa ciyaareed ka bilaabay kooxda yar ee SV Aspena, waxaanu aabbihii George arkay hibada ciyaareed ee ku jirta wiilkiisa, waxaanu u kexeeyey kooxda Austria Vienna, waxaanu kooxda ka dhigay ciyaartoyga ugu da’da yar ee ugu guulaha badan kooxdaas.

Alaba ayaa ku biiray kooxda  Bayern Munich iyadoo ay da’diisu tahay 16 jir, sidaas ayaanay ku dhisantay noloshiisa xirfadda kubadda cagta, iyadoo xilli ciyaareedkii 2010/11 amaah loogu diray Hoffenheim kaddibna uu tababarihii hore ee Munich ee Jupp Henckes uu dib usoo celiyey siiyeyna boos joogto ah.

431 kulan oo uu u saftay Munich waxa uu u dhaliyey 31 gool, isagoo kula guuleystay 10 horyaalka Bundesliga ah, lix DFP-Pokal Cup ah iyo laba Champions League.

Rose May ayaa  iyaduna noqotay fannaanad caan ah oo dunida oo dhan laga yaqaano iyo abwaanad heesaha qorta, waxaanay sannadkii 2016 noqotay fannaanadda ugu wanaagsan Austira ee heesaheedu ku jiraan iTunes.

Hadal iyo dhamaan, qoyska Alaba ayaa lagu tilmaamaa kuwo leh hibo dabiici ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More