YAAB: Difaaca Faransiiska Ee Pavard Oo Xaqiijiyey Inuu Koomo Galay
Dood ayaa ka bilaabantay warbaahinta kaddib markii uu difaaca reer France ee Benjamin Pavard uu qirtay in uu koomo galay muddo 10 illaa 15 ilbidhiqsi ah kulankii xalay ay 1-0 ku garaaceen Germany.Xulka qaranka Germany ayaa guul ku bilowday tartanka qaramada Yurub iyagoo kaalinta labaad kaga jira Group-ka dhimashada ee F oo uu hoggaanka u hayo Boortaqiiska oo guul weyn ka gaadhay Hungry.Les Bleus ayaa nasiibkoodu shaqeeyey markii kubbad uu dhinaca bidix kasoo dhiibay Hernandes uu isku qabtay Mats Hummels, taas oo siisay…