Aqriso: Sabab yaab-leh oo loo eryey tababarihii Xulka Qarank…
Muqdisho (Caasimada Oline) – Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa ku dhowaaqay in gabi ahaanba shaqada laga eryey tababarihii Xulka Qaranka Soomaaliyeed, Cabdellatif Salef oo u dhashay dalka Morocco, wuxuuna xilkan hayey wax ka yar saddex todobaad.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu sheegay in tababare Cabdellatif Salef uu ku kacay aflagaado ka dhan ah ciyaartoyda Soomaaliyeed, oo haatan…