Somaliya Oo Ka Hadhay FIFA Arab Cup, Bandhig Cajiib Ahaa Oo Ay
Xulka qaranka Oman ayaa guul nasiib ah ka gaadhay Somaliya oo bandhig cajiib ah muujisay labadii qaybood ee kulanka, tartanka FIFA Arab Cup ee ka socda waddanka Qatar.Kulan waddanka laga badiyo uu si toos ah uga hadhayey tartanka ayaa Somaliya si weyn iskugu diyaarinaysay toddobaadyadii ugu dambeeyey waxaase lagaga badiyey 2-1, iyadoo labada gool ee Oman oo qaybta hore yimid uu qalad weyn ku lahaa goolhayaha xulka Somaliya ee Mustaf Mohamed (Nakuja).Daqiiqaddii 12aad ayay Oman heshay goolka koowaad, waxaana kubbad meel fog…