Frank Lampard Oo Magacaabay Shantii Xiddig Ee Ugu Fiicnaa Ee Uu Ka
Halyeyga reer England ee Frank Lampard ayaa magacaabay shantii xiddig ee ugu wanaagsanaa ee uu ka garab ciyaaray intii uu garoomada ku jiray, kuwaas oo uu kusoo daray hal laacib oo ay Manchester City u wada ciyaareen waqti kooban oo uu kooxdaas joogay.
Lampard ayaa ka mid ahaa ciyaartoyda khadka dhexe ee ugu guulaha badan kubadda cagta Ingiriiska, waxaana 13 sannadood oo uu joogay Chelsea uu ku guuleystay koobab badan, laakiin waqtigii uu Manchester City ayay is heleen Sergio Aguero oo uu kusoo darsaday liiska ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ee uu abid ka garab ciyaaray.
Frank Lampard ayaa waraysi siiyey warbaahinta Planet Football, waxaana la weydiiyey xiddigihii ugu wanaagsanaa ee uu ka garab ciyaaray, waxaanu ku jawaabay: “Waqti dheer maan joogin Man City laakiin isla markiiba waxaan arkay wiilkan [Aguero] inuu yahay heer-caalami. Goolasha uu ku dhalinayay tababarka maalin walba waxay ahaayeen kuwo laga naxayay, waxaanu kuwaas usii qaadanayay garoonka.”
Intaas kaddib waxa uu magacaabay afar ciyaartoy oo kale oo ka tirsanaa Chelsea oo ugu jira liiska ciyaartoyda shanta ah ee ugu wanaagsanaa ee uu ka garab ciyaaray, waxaanu markiiba soo qaatay Gianfranco Zola oo waqti kooban uu kusoo gaadhay Stamford Bridge.
Saddexda ciyaartoy ee kale ayaa ah Eden Hazard, Didier Drogba iyo John Terry.
Ciyaartoydan uu soo xushay Lampard waxa uu ka eegay dhinaca kooxaha oo kale, sidaas ayaanay uga maqan yihiin halyeeyadii Ingiriiska ee ay xulka ka wada tirsanaayeen sida Steven Gerrard, Paul Scholes, Rooney iyo kuwo kale.