Somaliya Oo Ka Hadhay FIFA Arab Cup, Bandhig Cajiib Ahaa Oo Ay

Xulka qaranka Oman ayaa guul nasiib ah ka gaadhay Somaliya oo bandhig cajiib ah muujisay labadii qaybood ee kulanka, tartanka FIFA Arab Cup ee ka socda waddanka Qatar.

Kulan waddanka laga badiyo uu si toos ah uga hadhayey tartanka ayaa Somaliya si weyn iskugu diyaarinaysay toddobaadyadii ugu dambeeyey waxaase lagaga badiyey 2-1, iyadoo labada gool ee Oman oo qaybta hore yimid uu qalad weyn ku lahaa goolhayaha xulka Somaliya ee Mustaf Mohamed (Nakuja).

Daqiiqaddii 12aad ayay Oman heshay goolka koowaad, waxaana kubbad meel fog laga soo toogtay uu goolhaye Mustaf dedaal badan ku sameeyey si uu u qabto waxaana uu joojiyey kubadda oo awood ku socotay laakiin dib ayay uga boodday taas oo dib loogu celiyey oo isagoo dhulka jiifa laga dhaliyey.

Goolka labaad ee Oman ayaa ahaa rikoodhe uu qaladkiisa lahaa goolhaye Mustaf oo qalad uu galay lagu ciqaabay, waxaanay sidaas qaybta hore ee ciyaartu ugu soo dhamaatay 2-0, iyadoo Somaliya aanay ka faa’iidaynin fursado aan badnayn oo ay heleen.

Ciyaaryahanadda Somaliya ayaa ku wanaagsanaa baasaska marka laga eego qiimaynta guud, waxaana inyar gacan ku haynta ciyaarta ku badnayd Oman.

Qaybtii labaad ayay Somaliya la timid ciyaar ka sarraysa sidii hore, waxaanay aad uga shaqeeyeen khadka dhexe iyo dhinacyada halka goolhaye Mustaf uu sameeyey badbaadin cajiib ahayd oo uu ku saxay qaladaadkiisii qaybta hore.

Somaliya ayaa la timid gool uu u dhaliyey laacibka Abel Gigli, waxaana markaas soo noolaatay rajada Soomaalida oo sidoo kalena arkayay in bandhigga xiddigahooda Ocean Stars ay sare usoo kacday.

Inkasta oo Somaliya ay ka hadhay koobka FIFA Arab Cup 2021, haddana waxay shacabka Soomaaliyeed si aad ah ugu diirsadeen qaab ciyaareedka cajiibka ahaa ee ay soo bandhigeen ciyaartoyda da’yarta ahaa ee aan waliba isku helin waqti badan oo ay ku tababartaan.

Guul-darradan ayaa waxa la socotay yidihiilo ah in tartamada xiga ee Somaliya ay ka qayb-gasho ay la iman doonto ciyaar middan aad uga sarraysa, halkanna ay ka qaadanayaan waayo-aragnimada fagaareyaasha waaweyn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More