Manchester United Oo Diyaarisay Dalabka Halbowlaha Khadka Dhexe Ee
Manchester United ayaa qaadday tallaabadii ugu horreysay ee ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Bayern Munich ee Leon Goretzka, kaas oo ay qorshihiisa bilowday kaddib markii ay isku hubsatay Jadon Sancho oo la filayo in tartanka Euro kaddib uu ka dego Old Trafford.Sida ay sheegayaan warbaahinta waddanka Jarmalka, Manchester United ayaa waxay qorshaheeda ku darsatay Leon Goretzka oo ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan khadka dhexe waqtigan, waxaanu tababare Ole Gunnar Solskjaer u arkaa in uu laacibkani yahay tiir…