“Ma Aragteen Waxa Uu Pedri Ku Sameeyay Talyaaniga, Waligay Ma Arag 18
Macalinka xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa amaan oo dhan kala dul dhacay da’yarka xulkiisa ee Pedri Gonzalez kaas oo xalay wacdarro ka dhigay kulankii afar dhammaadka Euro 2020 ee ay kahor tageen Talyaaniga.Kulankaas oo 120 daqiiqo oo la ciyaaray natiijo 1-1 ah la isku dhaafi waayay ayay ugu dambayn Azzuri booskooda Final-ka ku xaqiiqsadeen rigoorayaal.Mid kamida xiddigaha isku soo muujiyay tartankaas ayaa ahaa Pedri Gonzalez oo ah 18 sano jir xilli ciyaareedkii hore kasoo dhalaalay Barcelona isla markaana uu…