SHEEKOOYINKII XULKA FRANCE: Xiddigii Iska Diiday Inuu In La Beddelo &
Qisooyin waalli ah ayaa ka dhacay kulankii xulka qaranka France uu kaga hadhay tartanka qaramada Yurub ee ay Switzerland rikoodheyaasha kaga badisay.Waxa aanu maanta idinla wadaagnay laba qiso oo hore. Midda koowaad ayaa ahayd inay isku dhaceen qoysaska saddexda ciyaartoy ee Adrien Rabiot, Paul Pogba iyo Kylian Mbappe, kuwaas oo hooyooyinkood oo garoonka wada joogay, isna ag-fadhiyey ay isku dhaceen ciyaarta kaddib, muddo 20 daqiiqo oo ay is-haysteen kaddibna ay boolisku soo dhex-galeen.Dhacada labaad ayaa waxay ahayd in…