Sawirro: Isagoo La Xambaarsan Yahay Ayuu 2011 Soo Galay Old Trafford,
Wiilka uu dhalay Ryan Giggs Zach ayaa u dheelay kooxda Manchester United ee da’dooda ka yar tahay 16 jirada kuwaasoo xalay 2-0 kaga badiyay dhigooda Coleraine.Da’ yarta Shayaadiinta Cas Cas ayaa labo gool dhaliyay qeybtii hore ee ciyaarta iyagoo booqashadooda Northern Ireland ku bilaabay guul.Zach oo ka dheeli kara daafac dhexe iyo daafacgarab ayaa looga soo yeeray da’ yarta xulka Wales isagoo ka horyimid dhigooda England bishii May.Da’ yarkaan ayaa horumar sii sameynaya isagoo ku soo bilowday kulankii xalay ee Man United ay…