Sidee laba dowladood oo carbeed uga shaqeeyeen afgambiga dal…

Tunis (Axadle) – Ra’isul Wasaaraha xilka ka dagaya ee dalka Tunisia Hichem Mechichi ayaa lagu weeraray xarunta madaxtooyada habeenimadii Axadda kahor inta uusan aqbalin inuu iska casilo xilkiisa sida ay ilo wareedyo ku dhow u sheegeyn Middle East Eye.

Nooca dhaawaca ah ee soo gaaray ayaa ah mid aan la xaqiijin karin maadaama aan weli Ra’isul Wasaaraha la weeraray lagu arkin fagaaraha. Middle East Eye ayaa fahamsan in dhaawaca soo gaaray 47 jirkaan uu yahay mid aad u weyn sida laga soo xigtay illo xog-ogaal u ah arrintaan.

“Dhaawac ayaa kasoo gaaray wajiga, waana sababta uusan uga soo muuqan dadka hortooda ” ayuu yiri mid ka mid ah ilo wareedyada.

Mechichi ayaa looga yeeray xarunta madaxtooyada maalintii Axadda halkaasoo madaxweyne Kais Saied uu shaqada kaga ceyriyay, wuxuuna sidoo kale madaxweynaha ku dhawaaqay shaqo ka joojinta Baarlamaanka, isaga oo la wareegay awoodda fulinta kadib maalin ay socdeen banaanbaxyo dowladda looga soo horjeeday.

Ilo wareedyo ku dhow Ra’iisul Wasaaraha ayaa Middle East Eye u cadeeyay in taliyayaasha nabad-sugidda ee ku weheliyay qasriga aysan qeyb ka aheyn qorshaha weerarka, halka ciidanka Militariga ay qeyb ka ahaayeen qorshaha lagu soo weeraray Ra’iisul Wasaaraha.

Rached Ghannouchi oo ah afhayeenka Baarlamaanka ahna hogaamiyaha xisbiga qunyar socodka islaamiyiinta ee Ennahda ayaa diiday dalab loo soo gudbiyey oo ahaa inuu yimaado madaxtooyada, wuxuuna arrintaas sabab uga dhigay inuu hadda kasoo baxay Isbitaalka looga daweynayey cudurka Covid-19.

Sida laga soo xigtay ilaha, Mechichi oo ahaa shakhsiga uu madaxweyne Saied u doortay xilka Ra’isulwasaaraha ayaa mar kale Axaddii laga codsaday inuu xilka ka dago.

Wuxuu ilaa waqtigaas si isdaba joog ah u diiday inuu iscasilo kadib khilaaf ka dhashay magacaabista afar wasiir oo ka tirsan xukuumadiisa.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in markii Mechichi uu diiday inuu xilka iska casilo la garaacay. Middle East Eye waxay sii fahamsan tahay inay “dad aan reer Tunisia ahayn” ku sugnaayeen qasriga waqtigaas.

Middle East Eye  waxay fahansan tahay in shaqsiyaadka goobta joogay ay ahaayeen saraakiil dhanka Ammaanka ah oo kasoo jeedo dalka Masar kuwaas oo la talinaayay madaxweyne Saied ka hor afgambiga sidoo kalana waxay saraakiishaan ahaayeen kuwo ka dambeeyo hagidda sida uu u dhacay qorshahaan. Ma cadda doorka ay ka ciyaareen su’aalo weydiinta Ra’isulwasaare Mechichi.

“Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el- Sisi wuxuu usoo bandhigay madaxweynaha dalka Tunisia Saied inuu siiyo dhammaan taageeradii uu ugu baahnaa afgambiga, Saiedna wuu qaatay,” ayuu yiri mid ka mid ah ilahaasi.

“Milatariga iyo saraakiisha ammaanka ee Masar waxaa loo diray dalka Tunisia iyagoo taageero buuxda ka helaya amiirka dhaxalka leh ee Abu Dhabi Mohammed bin Zayed” ayuu yiri mid kamid ah illo wareedyada.

Kadib weerarka loo geystay Ra’isulwasaare Mechichi waxaa lagu waramayaa inuu gacmaha kor u taagay uuna ogolaaday inuu is casilo. Taliyayaashiisa amniga ayaa sidoo kale ogolaaday wareegtada kasoo baxday madaxweynaha.

Ra’isulwasaare Mechichi ayaa markii dambe wuxuu ku noqday gurigiisa halkaas oo uu ka beeniyay warar ay qortay warbaahinta maxaliga ah oo sheegaya inuu xabsi guri ku jiro.

Ra’isul Wasaaraha xilka ka degay ayaa soo saaray bayaan Isniintii kaas oo uu ku sheegay in uusan “sinnaba u noqon karin caqabad ama qof qayb ka qaata inay sii kororto xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Tunisia”.

“Waxaan ku wareejinayaa masuuliyadda qofka uu u wakiisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda inuu hogaamiyo Xukuumadda, anigoo guul u rajeynaya dhammaan xubnaha cusub ee Dowladda imaaneysa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Ra’isulwasaaraha xilka ka degay

Middle East Eye ayaa sheegtay inay la xiriirtay madaxweynaha dalka Tunisia iyo Ra’isulwasaare Mechichi si wax looga waydiiyo sida ay wax u dhaceyn balse waxay sheegtay inay wax jawaab ah ka weysay labada dhinacba.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More