Sabab yaab leh oo ka dambeysa dagaalka Wanlaweyn iyo wararki…

Wanlaweyn (Axadle) – Dagaal culus ayaa wuxuu Maanta Magaalada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose ku dhex maray Ciidamo ka wada tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa daraawiishta Maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, waxaana la xaqiijiyey inay dagaalkaas ku geeriyoodeyn 3 ka tirsan ciidamadii dagaalamay iyo qof shacab ah, halka dhaawaca uu intaas ka badan yahay.

Dagaalka ayaa la sheegayaa in uu u dhexeeyey guddoomiyaha Degmada Wanlaweyn Maxamed Siidow iyo ku xigeenkiisa arrimaha bulshada Axmed Cabdullaahi Cabdi.

Guddoomiye Maxamed Siidow oo la hadlay Idaacadda BBC ayaa sheegay in guddomiye ku xigeenkiisa uu isbaaro dhigtay bartamaha Magaalada isla markaasna uu lacago baad ah oo gaarayo 110 Dollar ka qaato gawaarida xamuulka ah.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in isbaarada uu dhigtay guddoomiye ku xigeenkiisa ay keentay inay ka xanaaqaan qaar ka tirsan ciidamada Daraawiishta ee ka amar qaato degmada kuwaas oo iyagana isbaaro kale dhigtay  kadibna ay weerar kuso qaadeyn ciidamo uu hoggaaminayo ku xigeenkiisa oo uu sheegay inuu diidan yahay in cid aan isaga aheyn ay isbaaro dhigato Magaalada.

Mar wax laga waydiyey khasaaraha ka dhashay dagaalkaas ayuu sheegay in ciidamadiisa uu ka dhintay hal askari sidoo kalana uu dhintay wiil dhallinyaro ah oo ay ku dhacday rasaastii la is dhaafsanayey, wuxuu kaloo sheegay inuu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray ciidamada ku xigeenkiisa balse uusan sheegi karin tiro sax ah.

Illo madax banaan oo ay la hadashay Axadle ayaa sheegaya in guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ay isku heystaan sidii loo maamuli lahaa lacagaha baadda ah ee laga qaado isbaaro ay ciidamada ka tirsan kuwa Dowladda dhigteyn magaalada.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaan weli ka hadlin dagaalkii ka dhacay Wanlaweyn, waxayna wararka qaar sheegayaan in magaalada loo soo diray ciidamo kala dhex galo kuwa dagaalamay, waxaana la filayaa in maamulka Koonfur Galbeed uu soo farageliyo khilaafka u dhaxeeyo maamuka Degmadaas.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More