Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Uganda oo sheegtay in ammaanka Xarunta DG Koofur Galbeed uu
Dowladda Uganda & Militariga Soomaaliya ayaa wadajir gacanta uga haya ammaanka Magaalo Xeebeedka Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo dhanka kale ah Caasimadda DG Koofur Galbeed, Inkasta oo uusan ku shaqeyn maamulka.
Uganda ayaa sheegtay in wadajirka Ciidamada Qaranka Soomaaliya & kuwa UPDF-ta ay suuragelisay in ammaanka Magaalada Baraawe oo heerar kala duwan soo maray haatan uu noqdo mid wanaagsan oo aad loo hubiyo.
Taliyaha kooxda 29-aad ee Ciidamada Uganda Edward…
Gantaallo markale lagu garaacay Caasimadda ismaamulka
Warbaahinta ku hadashay ismaamulka Amxaarada ayaa baahisay in xalay dhowr Gantaal lagu garaacay Magaalada Bahir Dar oo Caasimad u ah ismaamulkaas, inkasta oo aysan soo bandhigin waxyeelo ka dhalatay.
Mas’uuliyadda ugu weyn waxaa dusha laga saarayaa ismaamulka Tigray oo horay u sheegtay Gantaallo sidaan oo kale lagu tuuray Magaalada Bahir Dar todobaadkii hore, mana la sheegin khasaare ka dhashay.
Qalqal & kala carar ayaa ka dhashay markii la maqlay daryanka Gantaallada sida…
Kuuriyada Koofureed oo sanad u kordhisay la dagaalanka
Guddiga Difaaca Golaha Amniga Qaranka ee Kuuriyada Koofureed ayaa maanta oo Jimco ah ogolaaday in waqti kordhin loo sameeyo askarta Xukuumadda Seoul ee la dagaalanka burcad badeeda Soomaalida & saraakiisha tababarada taageerta Imaaraatka Carabta.
Qaraar waqti kordhin ah oo loo gudbiyay Guddiga Baarlamaanka ayaa la ansixiyay, waxaana sidaas loogu waqti dheereeyay howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda ee ka socda Gacanta Cadmeed & marinta Hormoz.
Askarta Koofurta Kuuriya…
Dhoolatuska Siyaasadeed & muranka Guddiga doorashada 20/21!
Magaalada Muqdisho waxa ay martigelineysaa dhoolatus Siyaasadeed oo ay murqadooda ku tijaabinayaan musharixiinta daneyneysa doorashada 20/21, kadib kulamo kala duwan oo dalka dibaddiisa kusoo qaateen.
Qaar kamid ah Siyaasyiinta musharixiinta ah ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusoo qul-qulayay Muqdisho, qaar ayaa shalay yimid, halka maanta & maalmaha soo socda ay kusoo wajahan yihiin Caasimadda shaqsiyaad kale.
Musharixiintu, Inkasta oo ay dhaliilsan yihiin xubnaha Guddiga…
DG Galmudug oo ku guuleysatay kala qaadista Maleeshiyo
Sawir hore
DG Galmudug ayaa ku guuleysatay in ay kala qaado maleeshiyo beeleed dagaal ku dhexmaray Deegaanno hoostaga Xananbuure & Caabudwaaq iyo xal ka gaarista dilal aanooyin ah oo dagaalkaas ka dhashay.
Mas’uuliyiin kala duwan oo uu kamid yahay Gudodomiyaha Magaalada Dhuusamareeb ahna Duqa Caasimadda Cabdiraxmaan Cali Maxamed Geeda-Qorow ayaa ku qanciyay Odoyaasha labada beel in ay kala qaadaan maleeshiyaadka.
Golaha waxaa kale oo ku sugnaa Guddoomiye ku xigeenka Amniga…
Xiisadda Tiray Oo Galaafatay Wasiirkii Arrimaha Dibadda
Danjire Axmed Ciise Cawad waxa uu qabtay xilka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jan-2018, sidaas awgeed waa Wasiirkii ugu muddada dheeraa ee hayey xilkaas
Xil ka qaadis lama filaan ah oo xafiiska ra’isalwasaaruhu gu yeeray Wareegto degdeg ah ayaa xilkii logga qaaday mid kamid ah wasiirradii arrimaha dibadda Soomaaliya ugu muddo xileedka dheeraa, xil kaqaadistan ayaa dhalisay hadal-heyn aad u xooggan iyada oo xukuumadda Rooble ku jirto 100 kii maalmood ee ugu horreeyay.
Sida ay…
Ciidamada Australia oo lagu helay dambiyo dagaal oo ay ka
Australia ayaa Khamiistii sheegtay in ciidamadeeda gaarka ah looga shakisan yahay in ay mas’uul ka ahaayeen 39 dil sharci daro ah oo ka dhacay Afghanistan, maadaama ay soo saartay warbixin dheer oo la sugayay oo ku saabsan dambiyada dagaal ee la sheegay in ay ciidamadoodu ka galeen wadanka Koonfurta Aasiya.
Australia ayaa baaritaankan bilawday sanadkii 2016, iyada oo ay jiraan warbixino ka imanaya hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha iyo warbaahinta maxaliga ah ee ku saabsan…
Cabdi Xaashi oo soo saaray habraaca doorashada Xildhibannada
Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu yahay “Habraaca maamulka Doorashada Xildhibaannada labada Gole ee ka soo jeedda Gobolada Waqooyi ee Soomaaliya (Gobaladda Waqooyi).
Qoraalka uu soo baxay Cabdi Xaashi ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la tixgelinayo duruufaha gaarka ah ee doorashada Xildhibaannada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi kaga duwan yihin doorashooyinka kale ee ka dhacaya…
Ciidamo ka tirsan AMISOM oo qarax lagula eegtay degmada
Waa askar ka tirsan ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, 2019. © FEISAL OMAR / Reuters
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegaya in qarax miino lagula eegtay kolanyo ka tirsan ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa ka socda Dowladda Itoobiya ee sugan Soomaaliya.
Qaraxa waxaa ka dambeeyay Iska hor’imaad xooggan oo barqadii maanta ka dhacay duleedka degmada Qansaxdheere sida dadka deegaanka ku soo waramayaan.
Qaraxa miino oo lala…
Askar ku dhimatay qarax Miino oo ka dhacay duleedka
Wararka ka imaanaya deegaanka Lafoole ee duleedka magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay qarax miino oo sabay dhimashada hal askari oo ka tirsan ciidanka amaanka dowladda Faderaalka Soomaaliya.
Qaraxa miino ayaa ciidanka lagula eegtay suuq ka agdhawaa bar-control ciidanka amaanka Soomaaliya ay gawaarida soo galaysa magaaladda Muqdisho ugu qaadaan lacago waxaa ku dhimatay inta la xaqiijiyay hal askari dhaawaca mid kale.
Ciidamo kale oo ka tirsan…