Kenyanka oo ku dhintay kuna dhaawacmay qaraxii Lamu

Kolonyo ay la socdeen Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa lagu qarxiyay Lamu, Haddaba miinada ayaa haleeshay gaari xamuul ah, waxaana ku dhintay darawalkii gaariga halka ay ku dhaawacmeen askar kale.

- Advertisement -

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay maqleen rasaas ay ridayeen ciidamada Kenya qaraxa kadib, kadibna uu xigay howlgalo ka socda nawaaxiga goobta uu qaraxu ka dhacay.

Dowlada Kenya ayaan wali ka hadlin duqeyntan sida ay sheegteen Al-Shabaab oo war ay soo saareen ku sheegay in miinada loo aasay kolonyo ay la socdeen ciidamada Kenya.

Lamu dhowr qaraxyo, weeraro ayaa ka dhacay oo ay ku qaaday Al-Shabaab saldhigyo militari, dhinaca Kenya wuxuu ku hanjabay inuu tilaabo ka qaadi doono xubnaha maleeshiyada ee ku sugan gudaha xududa dalkeeda.

banner

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More