Xussein Qayaad: “Dawlad deegaanka Soomaalida waxay ku jirtaa abaar,

Xuseen Qayaad Gadiid oo ka mid ah odayaasha deegaanka Maiso ee gobolka Sitti ee dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in abaaraha ka jira deegaanadooda ay u dheer tahay dhibaatooyin caafimaad sida shuban biyoodka oo ka dilaacay degmooyinka qaar.

Qayaad ayaa BBC-da u sheegay in Geella ay u dhimanayaan abaar dhulka ka jirta, halka dadka deegaanka ay soo martay isbadal dhanka caloosha ah qaarna ay la ildaran yihiin shuban biyoodka.

Dadku waa xoolo dhaqato, geelii ugu adkaysi badnaa ayaa dhimanaya  ari iyo lo’da iska daa carruurta, Haweenka uurka leh & waayeelka ayaa ugu daran.” sidaas waxaa yiri Xuseen Qayaad.

Xussein ayaa tilmaamay in colaada Canfarta markii hore ay saameyn taban ku yeelatay dhulalka Soomaalida kadib markii ay is laayeen qowmiyadaha kuwada sugan xadka.

Colaadda u dhaxeysa Soomaalida Canfarta ayaa sababtay in labada dhinac ay isu gudbi waayaan, dhibaatooyinka ka dhaca deegaannada halkii ay isaga hayaami lahaayeen waxa ay ka door-bidayaan in ay Dhulkooda joogaan sabab la xiriirta beegsi ay ka baqayaan in lagu sameeyo.

Dowlada federaalka ee itoobiya ayaa ku lug yeelatay dagaal ka dhacay waqooyiga gobolka tigrey kadib isku dhac bishii november 2020 dhexmaray ciidamada dawlada federalka ah oo ay taageerayaan Eriteriya oo 30 sano ka hor ka go’day iyo xoogaga kooxda TPLF.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More