Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Qaramada midoobay kulan ka leh nidaamka maaliyadda

Wasiirka Arimaha Dibada Jarmalka Heiko Maas (C) wuxuu kula hadlayaa Golaha Amniga ee UN-ka xaruntiisa magaalada New York ee Qarammada Midoobay 26-kii Febraayo, 2020 magaalada New York. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa 15-ka October, 2020 oo ku beegan maalinta oo Khamiis ah waxaa u qorsheysan shir xasaasi ah kaasoo ay ka yeelanayaan warbixin laga gudbiyey Soomaaliya. Warbixinta oo ay diyaariyeen lix khuburo fadhigoodu yahay caasimadda Kenya ee Nairobi, waajibaadkooduna…

Saraakiil ciidan oo lagu dilay dagaalka dhacay gobolka

Dagaal ay ku dhinteen ciidamo iyo saraakiil ka tirsan taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa ka dhacay wadada xiriirisa degmadooyinka Afgooye iyo Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Iskahorimaadkan ayaa waxaa uu dhex maray ciidamo milatari ah iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday kolonyo gaadiid ah oo ku safreysay wadada laamiga ah ee isku xirta Afgoye iyo Wanlaweyn gaar ahaan deegaanka Buulalow. Weerarkan ayaa la sheegay in ay ku dhinteen ciidamo…

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Laftagareen iyo wakiilada

Hogaamiyaha  Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kuso dhoweeyey Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoowey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan ay qeyb ka ahaayeen Wafdiga Wakiilada EU Nicolas Berlanga,Midowga Africa  Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed. Soo dhoweyn ka dib Hogaamiyaha iyo Xubno katirsan Golaha Wasiirada & Taliya Qeybta 60aad CXDS ayaa xafiiska kulan kula qaatay Wafdiga…

Maraykanka oo ka tacsiyeeyay weerarkii 14 Octaber ayaa

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Donald Yamamoto. Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in ay la murugooneyso shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo maanta u baroordiiqaya xuska 14-kii Oktoobar 2017 oo ah maalin uu Muqdisho ka dhacay qarax dhaliyay dhimashada boqolaal shacab ah, Dhawaaca boqolaal iyo bur-bur hantiyadeed. Safaaradu waxay sheegtay in dowaladda Mareykanka la xanuunsaneyso qoysaska dadkii ku dhintay isla markaana ay ku garab taagan tahay dadka iyo dowladda…

RW.Rooble:-Culimaddu waa in ay qaataan doorka ka hortaga

Munaasabadda sanad-guurada saddexaad ee ka soo wareegtay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee 14kii Oktoobar 2017 ayaa maanta lagu xusay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Munaasabad ka dhacday Tiyaatarka Qaranka ayaa waxaa ka qayb galay Ra’iisul wasaaraha Xukumada Faderaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo halkaasi ka jeediyay Khudbad uu kaga hadlay dhacdii 14 October 2017 iyo xusuusta ay ka reebtay dhibaadda gaartay dadkii halkaasi dhaawaca iyo dhibaatadu ka soo…

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) oo hab maamuus gaar ah u sameystay

Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa gudaha Soomaaliya usoo tallaabay 14-kii Oktobaar 2011-kii, iyaga qiil ka dhiganaya kahortagga weerarada & Afduubka Al-Shabaab oo xiligaas marar kala duwan ka dhacay dalkaas. Askarta Kenya ayaa kasoo gudbay soohdinta iyaga oo aan heysan ogolaanshiyaha Ururka Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay, Gawaarida Gaashaaman, kuwa yaryar, Sahay & waxyaabaha ay isticmaalayaan ayay lasoo galeen Soomaaliya, halka kor ay kala socdeen diyaaradaha Qumaatiga u kaca. Sanad kadib saldhigashada…

Ciidanka Amaanka Hir-Shabeelle oo Jowhar ka bilaabay howlgal Amni

Ciidamada Booliiska DG Hir-Shabeelle ayaa Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulkaas ka bilaabay howlgalo lagu baarayo xaafadaha Degmadaas, Gaadiidka & la socodka dhaq-dhaqaaqa dadka. Ujeedka howlgalkaan waxa ay saraakiisha hoggaamineysa ciidanka wax baaraya ku sheegeen in lagu adkeynayo ammaanka Xarunta Hir-Shabeelle oo sida qorshuhu yahay martigelineysa Ergo badan. Jowhar waxaa tagaya Ergo beeleedyo leh kuraasta Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle iyo aqalka sare BFS oo bilawgii…

Xusuusta Qaraxii Soobe 14-ka Oktoobar 2017 & Dadkii ka

Maanta saddex sano ayaa laga joogaa markii uu dhacay qaraxii Soobe ee sababay dhimasho, dhaawac, burbur hantiyeed iyo weynta dad lagu tiriyay liiska Geerida balse aan la helin raq iyo ruux! Dadkii goobjooga u ahaa maalintaas qaraxii dhacay oo qaarkood dhaawac jireed & Mid maskaxeed soo gaaray ayaa Axadle u sheegay in xusuustooda aysan ka go’in wixii maalintaas dhacay. Qaraxa ayaa dhacay xili uu isgoysku aad mashquul u ahaa, Gawaarida ayaa isku xirantay, dadka ayaa…

NISA oo sheegtay ay qabatay 79-Tan oo ah maadada (Sulfuric

War kasoo baxay Hay’adda NISA ayaa lagu sheegay in howlgal qorsheysan oo ay gacan ka geysteen Hay’adaha ay kala kaashato la dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada gacanta ku dhigtay 79 Tan oo ah maadada (Sulfuric Acid). NISA soomana bandhigin tirada, magacyada iyo muuqa dadka ay u qabatay gudibnta maadada (Sulfuric Acid) oo ah dareere saliid ah oo waa aashito macdan ah oo ka kooban walxaha baaruudda ee Qaraxyada loo adeegsado. Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa…

Trump oo Askartiisa ka saaraya Soomaaliya & Madaxweyne

Sida ay daabacday Barta ka falanqoota Ganacsiga ee Bloomberg, Hogaamiyaha Mareykanka Donald Trump ayaa qorsheynaya in uu Sooomaaliya ka saaro Askarta iyo saraakiisha ka joogta ee taageerada siiya Ciidanka DFS & AMISOM. Tiro rasmi ah lagama soo gudbin inta ay gaarsiisan yihiin Ciidankaan Mareykanka ee Soomaaliya jooga, balse waxaa lagu qiyaasaya in ay ku dhaw yihiin kun, waxaana ay isugu jiraan Askar kooban & Saraakiil u badan la-taliyaal sare. Trump ayaa la kulmay…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More