Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

DFS, Dowlad Goboleedyada & Al-Shabaab oo ka hadlay Qaraxii

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay qarax uu fuliyay qof isku soo xiray Walxaha qarxa oo casir-liiqii shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee xarunta DG Galmudug xili dadkaas uu lagu waday in  uu la hadlo Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble. Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsiyeen kadib shacabka ka dalbaday in ay iskaashadaan si wax looga qabto qaraxyada & weerarada ay ku dhimanayaan dadka muhiimka u ah. “Dhammaan dadkii…

Saraakiil lagu dilay qarax ka dhacay Gaalkacyo! – Axadle

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ahaa oo goordhow ka dhacay magaalada Gaalkacyo, qeybta Maamulka Galmudug, kaddib markii qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise oo lagu soo dhoweynayay Raysul Wasaare Rooble. Wararka ayaa sheegaya in qaraxa ay ku geeriyoodeen saraakiil ciidan iyo askar ku sugneyd garoonka, xilli uu socday sugida amniga. Warar aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in Saraakiisha ku…

Saraakiil ka tirsanaa qaybta 21 aad oo ku dhimatay qarax ka

Inta la xaqiijiyay ku dhawaad 20 ruux oo ay ku jiraanTaliyihii Danab 21-aad Gaashaanle sare Muqtaar, kuxigeenkiisiii Dhamme Mardhow, Gaashaanle Sare Baaraaf oo ka tirsanaa 21-aad iyo Duqii hore ee Gaalkacyo Maxamud Yaasiin Tumey ayaa ku dhintay qarax ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, qeybta Maamulka Galmudug, kaddib markii qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa uu isku qarxiyay afaafka hore ee garoonka Cabdullaahi Ciise oo lagu soo dhoweynayay Raysul…

Maxamed Xasan: Qofkii Sawir la gala Musharax howshiisu way

Maxamed Xasan Maxamed Guddoomiyaha Guddiga kaladhimman ee lagu muransan yahay oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sharaxay shaqada guddigiisa hortaalla, caqabadda uu wajahayo & diidmada Musharixiinta. Guddoomiye Maxamed ayaa tilmaamay in Guddigooda sawirka laga qaatay uusan ka tarjumeen, maadaama shaqadooda ay tahay Fulinta waxa loo diray & farsamada loo adeegsanayo. Cadaalad sameynta ayuu shaaciyay in aysan ku xirneen rabitaanka dadka soo xulay balse ay tahay mid nafsad ahaan qofka ku beeran, kaliya shaqada…

“Doorashada sida lagu galayo laguma qanacsano ee Dalka yaan

Madaxweynihii 7 aad ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed. Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 2021 oo Warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay ka hadlay Doorashada, Dhaq-dhaqaaqa Ciidan & marxaladda kala guurka. Guddoomiye Shariif ayaa sheegay in xaaladda cusub uu galay dalka, taas oo ka dhalatay hab maamulka Doorashada 20/21 oo aan laga fakirin kahor waqtiga loo qorsheeyay sida uu hadalka u…

Pakista oo Imaaraatka kala hadashay ka saarista Liiska

Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Makhdoom Shah Mahmood Hussain Qureshi ayaa la kulmay Sheikh Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum oo ah Adeegaha Raysul wasaaraha Imaaraadka, madaxweyne ku-xigeenka iyo wasiirka difaaca. Waxa uu kala xaajooday Liiska Xukuumadda Dubai ay kusoo saartay 13-ka Dal ay ka joojisay in ay siiso Dal ku galka Imaaraatka (Visa) si wax looga badalo go’aankaas iyada oo lagu dheelitirayo xiriirka labada dhinac. Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan oo Khamiistii…

Kenya oo Muwaadiniinteeda uga digtay meelaha ay weerarada ka

Dowladda Kenya ayaa muwaadiniinteeda gaarsiisay digniin la xiriirka dhaq-dhaqaaqa safarka ay gelayaan dhammaadka bisha December ee sanadka uga dambeyso gaar ahaan dadka Kiristaanka ah. Waxa ay ku wargelisay in ay ka feejignaadaan meelaha ay Al-Shabaab weerarada ka geysto si aysan dhibaato ula kulmaan sida ay sheegtay Dowladda Kenya oo warkaan gaarsiisay muwaadiniinteeda. Warbaahinta gudaha ayaa tilmaamtay in Xukuumadda Nairobi ay cabsi ka muujisay beegsiga Al-Shabaab ee dadka…

Shakiga Siyaasadeed oo Shiiqiyay Shaqada Doorashada! –

Jabuuti sanadkii 2000 waxaa lagu soo dhisay Dowladdii KMG ahayd ee uu Hogaamiyaha ka noqday Cabdiqaasim Salaad Xasan, kadib muddo marba dhinac loo waday Hoggaamiye Kooxeedyadii hubeysnaa. Waxyaabaha la calaamadeeyay waxaa kamid ahaa in 4-tii sano mar la qabto Doorasho ilaa dalka uu ku gaaro afti dadweyne oo shacabka dib loogu celinayo awoodda, maadaama waddanka uu siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan iyo nidaam ahaan gaaray meel hoose. Muddo 20-sano ayaa sidaas lagu howlan yahay,…

Muxuu ku saabsan yahay safarka Hogaamiye Farmaajo ee

Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u safraya Dalka Jabuuti, si uu uga qabygalo Shir gaar ah oo looga hadlayo Xaaladda Waqooyiga Itoobiya kadib markii Xukuumadda Abiy Ahmed guul ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Tigray. Hogaamiye Farmaajo ayaa qayb ka ah Madax lagu casuumay shirkaas sida Axadle ay u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah, si loo falanqeeyo mustaqbalka Waqooyiga Itoobiya oo gacanta TPLF kasii baxaya. Inkasta oo Hogaamiyayaasha Afrika intooda badan ay noqdeen…

RW Rooble oo maanta Safar dhulka ah ku tagaya Gaalkacyo. –

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble iyo mas’uuliyiin la socota ayaa maanta safar dhulka ah ku tagaya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Wafdi hordhac ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya isla markaana ay qayb ka yihiin Wasiiro katirsan DG Galmudug ayaa sii gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug. Diyaargarowga soo dhaweynta Maxamed Xuseen Rooble & wafdigiisa ayaa ka socota Magaalada Gaalkacyo, waxaana lasii diyaariyay dadka soo dhaweynaya iyo xarunta la dejinayo.…