Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Ciidamado ka wada tirsan DFS oo ku dagaalamay magaalada Marka

Magaalada Marka waxaa xalay fiidkii ku dagaalamay Ciidamo kawada tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee gacanta ku haya sugidda ammaanka Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose.. Iska hor imaadka ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac, waxaana hakad galay dhaq dhaqaaqii dadka magaalada Marka sida ay u xaqiijiyeen dadka deegaanka Axadle, iyadoo markii dambe ay halkaasi isaga baxeen saraakiil ka tirsan ciidamada DFS. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta dagaalka, ilo wareedyo ayaa Axadle u xaqiijinaya in askarta ay isku…

Bayaanka IGAD lama sheegin

Hogaamiyaasha urur goboleedka IGAD ayaa soo saaray bayaan ay ku soo koobayaan waxyaabihii ay ka wada hadleen kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Jabuuti. Kulankan wuxuu ahaa qodobo aan caadi aheyn oo looga hadlay waxaa kamid ah arimaha xubnaha ururada qaranka sida Suudaan, Koonfurta Suudaan, Itoobiya, Soomaaliya iyo faafa aduunka oo diirada lagu saaray. Si kastaba ha ahaatee, bayaanka laguma sheegin meel ay saraakiishu sheegeen khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhexeeya…

Midowga Afrika & IGAD oo dalbaday in degdeg lagu dhameeyo

Gudoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, oo ka mid ah madaxdii ka qayb gashay furitaanka shir madaxeedka Urur Goboleedka IGAD ayaa soo hadalqaaday sida loogu baahan yahay in si degdeg ah xal loogu helo khilaafka diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya oo mudooyinkii dambe isoo tarayay. Gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa codsaday in labada wadan uu dhexmaro shir deg deg ah oo lagu xalinayo khilaafka diblumaasiyeed ee u dhexeeya Kenya iyo Soomaaliya. “Xiisaddii dhawaan…

Kenya, Soomaaliya iyo hogaamiyayaasha IGAD oo shir ay albaabada u

Shirkan oo ay isugu imaadeen waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa maanta si rasmi uga furmay Jabuuti balse ilaa haatan ma jiraan fafaahin ka soo baxay shirkaas oo albaabada la isugu laabay. Shirkan ayaa la filayaa in diiradda lagu saaro khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya kaas oo maalmihii dambe sare u sii kacayay iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u sheegtay in IGAD ay u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya. Madaxada ilaa haatan Jabuuti ku sugan  …

Farmaajo iyo Uhuru oo ku kulmay Jabuuti – AxadleTM

Magaaladda Jabuuti ee caasimadda dalkaasi waxaa maanta oo Axada ku kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynah dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Shirkan oo la sheegay inuu yahay mid aan caadi ahayn ayaa lagu wadaa in looga hadlo arrimo hadda taagan. Labada hogaamiye waxay is-aragooda diiradda ku saareen xaaladihii ugu dambeeyay ee xiriirka diblumaasiyadeed ee meeshii ugu hooseeyay gaarey. Hogaamiyayaasha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa qayb ka ahaa kulanka…

Dib u dhac Ku yimid shirkii IGAD uga furmi lahaa Jabuuti! –

Shirkan oo ay isugu imaanayaan waddamada xubnaha ka ah urur goboleedka IGAD ayaa lagu waday inuu maanta si rasmi uga furmo Jabuuti balse ilaa haatan ma jiro wax shir ah halkaasi oo ka furmay goobta loogu talagalay in uu ka furmo shirkaasi. Sababta did u dhaca ayaa lagu sheegay in ay dib u dheceen qaar ka mid ah hogaamiyayaasha ka qeyb galeysa shirka. Hase yeeshee waxaa la sheegayaa in hogaamiyayaasha haatan ku sugan Jabuuti ay ku jiraan kulamo gaar-gaar ah. Madaxada ilaa haatan…

Al-Shabaab oo sheegatay in ay weerar ku qabatay Mas’uul

Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay weerartay Deegaanno hoostaga Ismaamulka Wajeer dhulka Soomaalida Kenya maamusho, waxaana ka dhashay iska hor imaadkaas khasaare kala duwan sida ay hadalka u dhigtay. Weerarka ayay sheegtay Al-Shabaab in ay ku qabsatay Saldhigyo Ciidan, kadib markii Askarta kenyanka ah ay isaga baxeen, waxaana ay tilmaamtay in gacantooda uu soo galay Guddoomiyaha Deegaanka Gummarey. Shabaab sooma bandhigin Sawirka Guddoomiyaha ay qabteen & magaciisa, balse…

“Iyada oo la eegayo Xaaladda Amni ee dalka waa in la

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa ku baaqay in la joojiyo isu imaatinka Shacabka iyada oo laga fogaanayo waxyeelo gaarto sabab la xiriirta xaaladda ammaanka dalka. Xundubey ayaa sheegay in halkii meel la isugu keeni lahaa shacab aan la damaanad-qaadi Karin ammaankooda in ay ka habboon tahay in warbaahinta loogu gudbiyo fariinta mas’uuliyiinta ay u dirayaan. Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in marwaliba…

Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga Galmudug ee Gaalkacyo lagu

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble & Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan looga arrinsanayay ammaanka Deegaannada maamulkaas. Fadhiga waxaa ka qaybgalay Wasiirada Amniga XFS, DG Galmudug, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidamada Xoogga, Booliiska, Nabadsugidda, maamulka Mudug iyo mas’uuliyiin kale. Wasiirka Amniga DG Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in kulanka lagu go’aamiyay sidii looga…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More