Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Newcastle vs Chelsea – Blues Oo Hoggaanka Horyaalka Saacado
Chelsea ayaa heli doonta fursad ay si ku-meelgaadh ah ugu qabato hoggaanka horyaalka Premier League, marka ay Newcastle United ugu tagto garoonka St James’ Park duhurnimada maanta.Tababare Frank Lampard ayay kooxdiisu kasoo boodi kartaa kaalinta shanaad, isla markaana soo fadhiisan kartaa booska koowaad laakiin waa haddii ay guul ka keenaan garoonka ay ku dhibaatoonayeen xilli ciyaareedyadii ugu dambeeyey.Chelsea ayaa kusoo guuleysatay shan ka mid ah toddobadii icyaarood ee ugu dambeeyey horyaalka Premier League ee ay iska…
Xiddig Mucjisadiisa Kubadeed Inta Lala Yaabay Loo Bedelay
Halkeed joogtay markii uu Youssoufa Moukoko uu kulankiisii ugu horeysay u safanayay Borussia Dortmund?Su’aashaas ayaa noqon karta mid ay is weydiiyaan taageerayaasha kubada cagta haddii xiddiga mucjisada ah uu ka soo muuqdo horyaalka Bundesliga isbuucaan kulanka ay Dortmund la dheeleyso Hertha Berlin.Mucjisada Jarmalka u soo baxday ayaa haatan loo ogolaaday inuu u dheelo kooxda koowaad ee Borussia Dortmund ka dib markii maamulka Bundesliga ay wax ka bedeleen sharciga da’da ee horyaalka looga dheeli karo.Waxaana jirta fursad…
Awoodaha Iyo Halka Ay Ka Liitaan Tottenham Iyo Man City ,
Om
Press
Upphovsrätt
Kontakta oss
Kreatörer
Annonsera
Utvecklare
Villkor
Sekretess
Policy och säkerhet
Så fungerar YouTube
Testa nya funktioner
© 2020 Google LLC…
Xiddig Aan Aheyn Lionel Messi Oo Lama Taabtaan Ka Noqday
Ronald Koeman ayaa si cad u sheegay markii uu noqonayay tababaraha Barcelona inuusan isbedel ku sameyn doonin shaxdooda.Isku shaandheynta ma aheyn wax uu qorsheynayay inuu si joogta ah u sameynayo ama sabab la’aan.Laakiin kubada cagta waa mid aan saadaal laheyn. Dhaawacyo iyo ganaaxyo ayaa ku qasbay inuu isbedelo badan sameeyao ka dib 10 kulan uu kooxda hogaaminayay.Koeman ayaa labo shax oo isku mid ah soo safay kaliya labo kulan oo kala aheyd kulankii Villarreal iyo Celta Vigo.Ilaa iyo 22 ciyaaryahan ayaa daqiiqado ay ku…
Lix Baxeysa Iyo Labo Imaaneysa – AxadleTM.net
Barcelona ayaa isku dayaysa inay sideed saxiixi dhameystirto bisha Janaayo marka uu furmo suuqa kala iibsiga, sida ay sheegayaan wararka.Cudurka Korona Fayras ayaa dhaqaale darro ku sababay kooxaha waa weyn ee Yurub laakiin kooxda Catalans ayaa la filayaa inay mashquul noqon doonto bisha Janaayo.Barcelona ayaa sidoo kale mashquul aheyd xagaagii iyagoo dhameystiray 14 heshiis. Sagaal ka mid ah waxay ahaayeen xiddigo ka tagay kooxda iyadoo albaabka la tusay Luis Suarez, Ivan Rakitic, Arturo Vidal, Arthur Melo, Rafinha, Nelson…
Jose Mourinho Oo Ku Eedeeyay Pep Guardiola & Gareth
Jose Mourinho ayaa ku baaqay Gareth Southgate inuu cadeeyo tababarayaasha kooxaha ee cadaadiska ku saaraya inaan ciyaartoydooda laga reebo xulka England.Tababare Tottenham Jose Mourinho aya sheegay inuu hubo in Raheem Sterling uu ciyaari doono kulanka Manchester City ay berri oo Sabti ah booqaneyso White Hart Lane inkastoo dhaawac ahaan looga soo saaray xulka England.Sterling ayaa ku biiray xulka England laakiin ma uusan dheeli labadii kulan ee Republic of Ireland iyo Belgium sidoo kalena wuxuu ku soo laabtay kooxdiisa ka…
Shaxda Adag Ee Ay Liverpool Kala Hortagi Doonta Leicester
Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa shax adag soo safi kara kulanka ay Axada la ciyaarayaan kooxda hogaamineysa horyaalka ee Leicester City ka dib markii ay tababarka ku soo laabteen qaar ka mid ah xiddigihii dhaawaca uga maqnaa.Thiago Alcantara, Fabinho iyo Andy Robertson ayaa intuba tartan igu jira inay saftaan kulanka Axada ee Anfield halka inkastoon Jordan Henderson uu tababarka ku soo laabtay hadana Liverpool ayaa xaqiijisay inuu seegayo kulanka Leicester CityAlisson ayaa goolka ku jiri doona ka dib markii uu ahaa…
Tartanka Gooldhalinta Horyaalada Premier League, La Liga,
Xilli ciyaareedyada horyaalada Yurub ayaa weli bilow ah iyadoo horyaalka ugu kulamada badan la ciyaaray kaliya 10 kulan.Tartanka gooldhalinta ee horyaalada ugu waa weyn Yurub ayaa ah mid xiiso leh oo si weyn la isagu dhow yahay.Horyaalka Premier League afar xiddig ayaa hogaanka isla heysa ka hor kulamada la ciyaarayo todobaadkan, iyagoo dhaliyay min sideed gool.Jamie Vardy, Son Heung-min, Calvert-Lewin iyo Mohamed Salah ayaa hogaanka isla haya halka Bamford iyo Harry Kane ay ku daba joogaan.Kala Sareynta Gooldhalinta Premier…
Korona Fayras Oo Saf Ka Maraya Xiddigaha Real Madrid &
Xiddiga Real Madrid Luka Jovic ayaa laga helay cudurka safmarka ah ee Korona Fayras.
Weeraryahanka 22 sanno jir ah ayaa seegi doona kulanka horyaalka La Liga ee ay todobaadkan la ciyaarayaan kooxda Villarreal.
Jovic ayaa labo gool dhaliyay intii uu ku maqnaa xulka dalkiisa Serbia iyagoo 5-0 kaga badiyay xulka Ruushka.
Wuxuu ciyaaray 90ka daqiiqo ee kulankaas ka tirsanaa tartanka UEFA Nations League.
Warbixin ay Real Madrid soo saartay ayaa lagu yiri:
“Real Madrid waxay xaqiijineysaa in ciyaaryahankeena Luka…
Cristiano Ronaldo Oo Mas’uuliyad Uusan Waligiis Ka Qabanin
Cristiano Ronaldo ayaa laga yaabaa in laga dhigo kabtanka Juventus markii ugu horeysay todobaadkan.Tababare Andrea Pirlo ayaa waxaa ka maqan xiddigo dhowr ah ka hor kulanka ay booqanayaan kooxda Cagliari taasoo fursad u ah Cristiano Ronaldo.Kabtanka kooxda Giorgio Chiellini iyo ku xigeenkiisa Leonardo Bonucci ayaa labaduba seegaya kulanka Sabtida.Dhibaato muruqa ah ayay labada daafac ku maqan yihiin taasoo keeneysa in Matthijs de Lugt iyo Merih Demiral inay ku soo wada bilaaban doonaan shaxda.Caadiyan kabtanimada waxaa loo…