Pogba Qaata Oo Keena….. – Man United Oo Qorshe Cajiib Ah U

Kooxda Manchester United ayaa u muuqata mid qorshe ka leh khadka dhexe ee kooxdeeda ee Paul Pogba haddiiba uu doonayo inuu ku biiro Real Madrid oo uu dhawaan qirtay jacalkeeda iyo sida uu doonayo inuu ugu ciyaaro mar uun.

Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay, Man United ayaa doonaysa inay Pogba kaga soo bedelato Real Madrid xiddiga ree Uruguay ee Federico Valverde.

Fede Valverde ayaa xilli ciyaareedkii hore xubin muhiim ah kasoo ahaa shaxda tababare Zinadine Zidane, arrinta u wanaagsan kooxdiisa ee ku adkaynaysa saxeexiisa kooxaha doonayaa ayaa ah in heshiiskiisa lagu jabin karo lacag 640 Milyan oo Pound ah.

Sida uu sheegayo wargeyska The Sun ee England fadhigiisu yahay, Manchester ayaa si ay u qanciso Los Blancos doonaysa inay heshiiska ay Valverde u adeegsan karto Pogba.

Heshiiska uu Paul ku joogay Old Trafford ayaa ahaa mid dhacayay xagaaga dambe ee 2021 balse Red Devils ayaa dhawaan ku daray hal sano oo kale taas oo ka dhigan inuu ugu yaraan ilaa 2022 sii joogi karo kooxdiisa.

Si kastaba, 27 sano jirka ree France ayaa sanadkii ugu dambeeyay saxeexiisa lala xidhiidhinayay Madrid isaga ayaana markale dhawaan qirtay rabitaankiisa ah inuu Zidane kahoos ciyaaro.

Xiisaha ay United u muujinayso Federico ayaa lagu sheegay inay tahay mid ay ugu sii diyaar-garoobayso nolol la’aanta Pogba ah iyagoo doonaya inay bedelkiisa sii helaan.

Valverde ayaa la filayaa inuu xilli ciyaareedkan door muhiim ah markale ka qaadan doono qorshaha ay kooxdiisa Real Madrid ku difaacanayso horyaalka La Liga ee uu xilli ciyaareedkii hore la qaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More