Mohamed Salah Oo Isku Qoray Buugga Taariikhda Ciyaaryahanadda

Mohamed Salah ayaa isku qoray buugga taariikhda khaaska ah ee Liverpool ee ciyaartoyda dhaliyey 100 gool iyo ka badan, kaddib markii uu shalay saxeexay gool uu kubaddiisa ka helay xerada ganaaxa Everton oo isagoon xarakaad badan samaynin uu laag xoog badan qabadsiiyey, taas oo uu Pickford arkay iyadoo shabaqa u weydaaratay.

Laacibka reer Masar ayaa noqday ciyaartoyga saddexaad ee kulamadii ugu degdegga badnaa 100 gool ugu dhaliya Liveprool, waxaana kaliya 159 ciyaarood oo uu u dheelay uu diiwaangashaday 100 gool.

Mohamed Salah ayaa sidoo kale noqday ciyaartoygii 17aad ee intii ay Liverpool jirtay u dhaliyey 100 gool, waxaana uu hadda hore ugu sii socon doonaa inuu isku qoro taariikh ka sarraysa inta uu ku kasbaday kooxdaas, iyadoo uu xili ciyaareedkan shanta kulan ee kaliya la ciyaaray uu u saxeexay lix gool oo Premier League ah.

Labada halyey ee Roger Hunt iyo Jack Parkinson oo kaliya ayaa Mohamed Salah ka hor gaadhay tirada 100ka gool ee Liverpool, waxaana u dhexeeya farqi yar oo goolal.

Roger Hant oo u ciyaari jiray xulka qaranka England, kulana guuleystay Koobkii Adduunka 1966kii ayaa 15 ciyaarood kaga degdeg badnaaday Mohamed Salah gaadhista 100ka gool ee kooxda, halka Parkinson uu kaliya lix ciyaarood kaga horreeyey.

17ka ciyaartoy ee xogtooda lasoo bandhigay ayuu Salah kaga jiraa kaalinta saddexaad, waxaana halka ugu dambaysa fadhiya Steven Gerrard oo ay ku qaadatay in boqol gool uu u dhaliyeo Liverpool 448 ciyaarood.

Halkan kaga bogo kulamada ay 17ka ciyaartoy ee min 100ka gool gaadhay ku qaadatay inay dhaliyaan goolal intaas le’eg:

17. Steven Gerrard – 448 ciyaarood

16. Billy Liddell – 319 ciyaarood

15. Kevin Keegan – 318 ciyaarood

14. John Barnes – 313 ciyaarood

13. Ian St John – 270 ciyaarood

12. Jack Balmer – 262 ciyaarood

11. Dick Forshaw – 247 ciyaarood

10. Kenny Dalglish – 241 ciyaarood

9. Harry Chambers – 186 ciyaarood

8. Michael Owen – 184 ciyaarood

7. Gordon Hodgson – 170 ciyaarood

6. Ian Rush – 166 ciyaarood

=4. Sam Raybould – 165 ciyaarood

=4. Robbie Fowler – 165 ciyaarood

3. Mohamed Salah – 159 ciyaarood

2. Jack Parkinson – 153 ciyaarood

1. Roger Hunt – 144 ciyaarood

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More