Waa Kuma Xiddiga Bandhiga Weyn Ku Samaynaya Premier League

Kooxaha Premier League ee Liverpool iyo Tottenham ayaa la sheegayaa inay isha ku hayaan kuna dagaalami doonaan saxeexa bur-buriyaha Leeds United ee Kalvin Philipps kaas oo xilli ciyaareedkiisii koowaad Leeds kula qaadanaya PL.

Wargeyska The Mirror ayaa sheegaya in Jose Mourinho iyo Jurgen Klopp ay la dhaceen qaabka uu Kalvin Philipps uga soo dhalaalay horyaalka kulamadiisii ugu horreeyay.

Philipps ayaa kulankiisii ugu horreeyay ee xulka qaranka England soo ciyaaray fasaxii qaramada ee bishii September isaga oo kasoo muuqday kulankii ay bar-bardhaca 0-0 ka ah lasoo galeen Denmark.

Guulaha labada ah ee ah inuu kasoo wada muuqday xulka qaranka iyo waliba kooxdiisa Leeds United isaga oo si wanaagsan u ciyaaraya ayaa ah mid soo jiidatay kooxaha ugu waaweyn Premier League.

Xiddigan dhalasho ahaan kasoo jeeda magaalada kooxdiisa ee Leeds ayaa heshiis cusub oo shan sano ah u saxeexay Leeds United sanadkii hore kaas oo gaadhsiisan ilaa 2024 oo uu toddobaadkii 30,000 oo Pound ku qaato.

Liverpool iyo Tottenham ayaa awoodi doona inay siiyaan mushahar laba jibaarka midkiisa haatan ka badan balse waa haddii ay heshiis la gaadhaan kooxdiisa.

Labada kooxood ayaa ku jira qorshe ay saxeexyo cusub khadkooda dhexe ugu soo kordhinayaan iyadoo uu Mourinho yahay tababaraha sida gaarka ah ula dhacsan bandhigyada Philipps.

Mustaqbalka Moussa Sissoko oo khadka dhexe uga ciyaara Tottenham ayuu shaki ku jiraa halka Eric Dier la filayo inuu si rasmi ah booskiisii hore ee daafaca dhexe ugu laaban doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More