Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Neymar Oo Sideed Bilood Xiriir Jaceyl Oo Qarsoodi Ah La
Wararka ka imaanaya Brazil ayaa sheegaya in Neymar uu xiriir furan la leeyahay gabadha fanaanada ah Gabily.Xiddiga Paris Saint-Germain ayaa la haasaawayay fanaanada 25 sanno jirka ah muddo sideed bilood ah sida ay sheegtay warbaahinta Brazil ee Extra.Waxaa la sheegay in Neymar uu markii ugu horeysay Gabily oo magaceeda runta ah uu yahay Gabriel Batista uu kala xiriiraya Instagram ka hor inta uusan bilaabanin Korona Fayras.Lamaanahaan ayaa la sheegayaa inay dhowr jeer kulmeen inkastoo socodkooda uu xadiday cudurka saameeyay…
Waqtiga Xamaasada Daawashada Premier League Ay Soo Noqoneyso
Taageerayaasha kubada cagta ayaa dib loogu ogolaan doonaa garoomada bisha soo socota sida ay sheegayaan warbaahinta Ingariiska.Kooxaha Premier League iyo Football League ayaa dib ugu soo dhaweyn doona taageerayaasha garoomada sida lagu ogaaday qorshe ay wado dowlada Ingariiska, sida ay sheegtay Daily Mail.Wasaaraha Dhaqanka, Warbaahinta iyo Isboortiga ayaa la sheegay inay gudbisay hindisaha taageerayaasha loogu ogolaanayo garoomada gaar ahaan magaalooyinka uu ku yar yahay cudurka Korona Faryas taasoo noqoneysa markii ugu…
Robot Calanwade Ka Noqonaya Koobka Adduunka & FIFA Oo Ku
Qorshe la doonayo in mashiino robot ah laga dhigo caawiyayaasha garsooraha ee Koobka Adduubka ee 2022 ayaa horumar laga sameeyay ka dib markii FIFA ay weydiisatay shirkadaha Teknooloojiyada inay cadeeyaan inay nashqadeyn karaan barnaamij shaqeyn kara.Madaxa FIFA ayaa ka shaqeyneysay hindisahaan muddo sannad ah.Ururka kubada cagta Adduunka ayaa xitaa tijaabooyin daaha gadaashiisa ah sameeyay koobkii Club World Cup ee lagu qabtay Qatar kuna guuleysatay Liverpool sannadkii la soo dhaafay.Haatan ururada FIFA kala shaqeeya dhanka…
Mesut Ozil, Cristiano Ronaldo & SHAN Xiddig Oo Ay Man United
Manchester United ayaa la filayaa inay lacag badan ku qarashgareyso suuqa kala iibsiga bisha Janaayo iyagoo diirada ku haya xiddigo waa weyn oo wax weyn ka bedeli kara kooxdooda.Red Devils ayaa la soo saxiixay Bruno Fernandes bishii Janaayo ee sannadkan, waxayna doonayaa inay xiddigo isaga ku tayo ah soo xerogeliyaan bisha Janaayo ee soo socota.Jariirada The Sun ayaa qortay shan xiddig oo ay Manchester United la soo wareegi karto bisha Janaayo.Xiddiga ugu horeeya ee Man United diirada u saaran waa daafaca dhexe ee kooxda RB…
ILMO KALE MA RABO! Xaaska Xiddig Weyn Oo U Dheela Chelsea Oo
Xaaska xiddiga Chelsea Thiago Silva ayaa qiratay inay isku dayayso inay ka dhaadhiciso isaga inuu maro qaliin uu isaga dhigaya madhalays.Isabelle da Silva oo labo caruur ah dhashay ayaa diiday inay iyadu marto qaliin minka looga xirayo si aysan caruur kale u dhalin madaama qoyskeeda ay hido u leeyihiin naaxida iyo cayilka.Waxay u sheegtay taageerayaasheeda Instagram inuu ka shaqeyneyso sidii ay uga dhaadhicin laheyd xiddiga Chelsea Silva oo 36 sanno jir ah inuu madhalays iska dhigo oo uu maro qaliin xubinta tarankiisa…
Brazil Oo War Rasmi Ah Ka Soo Saartay Xaalada Xiddiga Man
Xulka qaranka Brazil ayaa war cusub kasoo saaray xaalada daafacooda bidix iyo kooxda Manchester United ee Alex Telles kaas oo ay warar dhawaan soo baxay sheegayeen in markale laga helay xanuunka saf-marka ah ee Korona Fayras.
Haatan xulka Brazil ayaa shaaca ka qaaday in baadhitaankii ugu dambeeyay xanuunka gabi ahaanba lagaga waayay Alex Telles waana war farxad u ah kooxdiisa oo uu dhawaan ka dhaawacmay Luke Shaw oo ay booska daafaca bidix wadaagaan.
Telles ayaa hadda diyaar u noqon doona kulanka isreeb-reebka tartanka…
“Fulayiintii Masaarida Ayuu Cabsi Ku Dhex Faafiyey, Isaga
Mohamed Salah ayaa lagu eedeeyey inuu ka tallaabay xayndaabka xakamaynta xanuunka Korona Fayras, isla markaana uu tegay xaflad aroos oo walaalkii lahaa xilli dunidu kala xidh-xidhan tahay oo ay ahayd inuu is-dhawro balse taas beddelkeeda uu xafladdii kasoo qaaday Xanuunkan.Halyeygii Masar ee Mido ayaa ku tilmaamay Mohamed Salah inuu baqasho iyo cabsi ka abuuray xarunta tababarka xulka qaranka Masar, kuwaas oo uu ku sifeeyey inay yihiin ‘fulay’.Mohamed Salah oo ay da’diisu tahay 28 jir ayaa seegaya kulamada horyaalka Premier…
Gilberto Silva Oo Kooxdiisa Hore Ee Arsenal Usoo Jeediyey
Xiddigii hore ee khadka dhexe uga ciyaari jiray Arsenal ee Gilberto Silva ayaa u tilmaamay naadigiisa hore, inay si degdeg ah uga hawl-galaan laacib khadka dhexe ah oo wax badan kusoo kordhin kara haddii ay lasoo saxeexdaan.Jack Grealish oo ah kabtanka khadka dhexe ee Aston Villa ayaa wacdaro ka dhigaya horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkan, isagoo fasal ciyaareedkii horena naadigan ka badbaadiyey inay dib ugu noqdaan heerka labaad.Toddoba gool oo uu dhaliyey iyo shan caawimood oo uu raaciyey, waxa u dheerayd inuu…
Qiimaynta Xulalka Haysta Ciyaaryahanadda Ugu Qaalisan Yurub Oo
Qiimaynta xulalka qaaradda Yurub ayaa la shaaciyey, waxaana kaalinta koowaad kusoo baxay England oo haysta safka ugu qaalisan.Xulka qaranka England oo ay ku urursan yihiin ciyaartooyo da’yar ah oo tayo badan, ayaa waxa qiimahoodu uu joogaa marka la isku-celceliyo €1.40 bilyan.Shabakadda qiimaynta iyo xog ururinta ee Transfermarkt ayaa shaacisay 20ka waddan ee haysta ciyaartoyda ugu qaalisan ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ee dib loogu riixay sannadka dambe kaddib markii uu Fayraska Korona sababay in la joojiyo…
Liverpool Oo War Cusub Ka Heshay Dhaawacyada Henderson Iyo
Liverpool ayaa war farxad leh ka heshay Jordan Henderson iyo Andy Robertson oo ku dhaawacmay kulamadii caalamiga ahaa ee toddobaadkan, waxaanay rajo ka qabtaa inay dib usoo laaban doonaan ka hor kulanka Leicester City ee Axadda.Henderson ayaa la beddelay waqtigii nasashada ee kulankii Belgium oo uu awoodi kari waayey inuu ciyaarta kusii jiro, waxaanay arrintaasi walaac ku abuurtay tababare Jurgen Klopp oo ka baqayay inuu ku biiro liiska ciyaartoyda kale ee waqtiga dheer ka maqnaanaya ee muddooyinkii u dambeeyey sariirta loo…