Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Xiddig Man United Ah Oo Soo Bandhigay Sida Canqowga Looga
Donny van de Beek ayaa soo bandhigay canqowga oo si xun u bararsan ka dib kulankii ay Man United guusha soo laabashada ah ka gaartay Southampton.Xiddiga reer Holland oo 23 sanno jir ah ayaa jug xoogan oo dhanka bidix ee canqowgiisa ah kala kulmay kabtanka Southampon James Ward-Prowse.Wuxuu baraha bulshada soo dhigay sawir uu ka qaaday canqowgiisa oo barar xoogan uu ka muuqdo.Wuxuu goobo ku calaamadeeyay bararka canqowgiisa isagoo ku soo dul qoray: “Ku soo dhawoow Premier League!”Van de Beek ayaa jugtaan ay soo gaartay 15…
Qalliinkii Virgil van Dijk Miyuu Qaldamay? Jurgen Klopp Oo
Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in dhaawacii jilibka ee Virgil van Dijk uu waji kale yeeshay, isla markaana aanu ‘jilibkii u muuqanin sidii ay ahayd inuu noqdo’.Klopp oo warbaahinta la hadlayay Isniinta maanta ayaa waxa uu xaqiijiyey in Van Dijk oo ka jabay jilibka kaddibna qalliin lagu sameeyey bishii October ay hadda xaaladdiisu ka duwan tahay sidii la filayay.Difaaca reer Netherlands ayaa la filayay inuu garoomada kusoo laabto toddoba illaa siddeed bilood kaddib markii uu goolyaha Everton ee Jordan…
Tababare Quique Setien Oo Dacwad Ka Gudbiyey Kooxdii Shaqada
Quique Setien ayaa dacwad ka gudbiyey kooxdiisii hore ee Barcelona oo uu ku eedeeyey inay jabiyeen heshiiskii u dhaxeeyey ee ahayd inay fuliyaan markii ay shaqada ka caydhiyeen xagaagii.Tababarahan reer Spain oo bishii December ee sannadkii hore shaqada ka beddelay Ernesto Valverde ayaa kaliya soo gaadhsiiyey naadiga dhamaadkii xili ciyaareedka, waxaana shaqada laga eryey markii ay Bayern Munich sida bahdilaadda ah ugu garaacday 8-2 iyo horyaalka LaLiga oo dhamaadkiisii ay Real Madrid kaga guuleysatay.Kooxda reer Catalonia…
“Maalin Ayay Soo Bixi Doontaa Runta Mesut Ozil…..” –
Xiddigii hore ee khadka dhexe ee Arsenal ee Jack Wilshere ayaa sheegay inuu rumaysan yahay inay maalin uun soo bixi doonto xaqiiqada Mezut Ozil oo Arsenal ay ka saartay liiska kooxdeeda, isla markaana lagu cadaadinayo inuu iskaga baxo Emirates Stadium.Mikel Artyeta ayaa u muujiyey Ozil cadaawada iyo naxariis la’aan, waxaanu ka tirtiray liiska kooxdiisa ciyaaraysa kulamada Premier League iyo Europa League ee xili ciyaareedkan, laakiin kooxdiisa ayaa dhibaato ku dhex jirta iyadoo ay taageereyaashuna la safan yihiin…
Lafta Madaxa Ayaa Jabtay – Qalliin Degdeg Ah Oo Lagu
Raul Jimenez ayaa lagu sameeyey qalliin degdeg ah kaddib jabniin lafta madaxa ah oo kasoo gaadhay isku-dhacii xalay ee David Luiz.29 jirkan ayaa loola cararay cusbitaalka iyadoo la saaray baabuurka gurmadka degdegga ah cabaar ay dhakhaatiirtu xaaladdiisa kula tacaalayeen garoonka dhexdiisa.Laacibkan ayaa galay koomo ama miyir la’aan, waxaana lagu xidhay qalab ka caawiya neefsiga illaa intii uu ka gaadhayay dhakhtarka.Raul Jimenez ayaa miyirkiisu taam ku noqday markii dhakhatarka la geeyey hase yeeshee baadhitaan lagu…
Liverpool Oo Heshay Difaac, Chelsea Oo Lagu Haysto Laacib 18
Maalin wanaagsan akhristayaasheena sharafta leh meel kasta oo aad dunida ka joogtaan. Suuqii iibka ciyaartoyda ee xagaagii waxa uu xidhmay horraanta bishii October, waxaana dhowaan la sugayaa inuu furmo suuqa waqtiga jiilaalka ee bisha January oo muddo kooban ay kooxuhu u heli doonaan inay kaga soo faa’iidaystaan.Kooxaha dhaawacyadu ragaadiyeen amaba doonaya inay helaan xiddigo ka caawiya xallinta dhibaatooyinkii ay soo arkeen qaybta hore ee xili ciyaareedka ayaa suuqa geli doona, sidoo kalena ciyaartooyo heshiisyada…
Barcelona Oo Ciqaab Adag La Marsiin Doono Kaddib Garankii Uu
Barcelona ayaa ciqaab adag ku mutaysan doonta garankii uu Lionel Messi ku labbistay markii uu u dabbaal-degayay goolkii afraad ee uu u dhaliyey kooxdiisa, kaas oo ahaa mid uu ku maamuusayay halyeygii Argentina ee Diego Maradona oo geeriyooday.Kabtanka Barcelona ayaa hoosta kasoo xidhay garanka kooxda Newell’s Old Boys ee uu hore u xidhan jiray Diego Maradona oo isagoo 60 jir ah geeriyooday Arbacadii dhoweyd, laguna aasay waddanka Argentina. Kaamiryooyinka iyo aragtida caadiga ah midkoodna ma dareemi karaynin in Messi uu…
Koomadii Wuu Kasoo Kacay, Waanu Neefsan Karayaa – Xiddigii
Raul Jimenez ayaa ugu dambayntii bilaabay inuu si caadi ah u neefsado, miyirkuna uu usoo noqday kaddib markii uu dhaawac kasoo gaadhay madaxa kulankii xalay ay Wolves 2-1 ku garaacday Arsenal.Weeraryahanka reer Mexico ee Raul Jimenez ayay isku dhaceen difaaca reer Brazil ee David Luiz oo isaguna qaybtii dambe beddel kaga baxay Arsenal, waxaana labadan ciyaartoy ay si toos ah iskugu dhufteen madaxa, taas oo keentay in Raul Jimenez uu dhulka ku dhaco isagoo markiiba koomo galay.Dhakhaatiirta ayaa in muddo ah kula tacaalaysay…
Zinedine Zidane Oo Shaaciyey Liiska Xiddigaha Real Madrid Ee
Real Madrid ayaa Salaasada habeen dambe waxay waddanka Ukraine kula ciyaari doontaa Shakhtar Donetsk iyagoo u baahan inay kusoo laabtaan dariiqa guusha kaddib khasaarihii xanuunka badnaa ee kasoo gaadhay ciyaartii Alaves.Los Blancos oo ay dersin ciyaartoyda muhiimka ahi dhaawac kaga maqan yihiin ayaa xili ciyaareedkan kusoo dhex jirtay dhibaatooyin badan oo horyaalka LaLiga iyo Champions League intaba ah, taas oo keentay inay mar kaalinta ugu hoosaysa kaga jiraan Group-kooda ka hor intii aanay sare ugu soo kicin labadii…
TODDOBA Ciyaartoy Oo Ka Dhaawacan Manchester United Ka Hor
Manchester United ayay lix ciyaartoy ka maqnaan karaan kulanka Champions League ee garoonkeeda Old Trafford ay kusoo dhoweyn doonto kooxda reer France ee Paris Saint-Germain Arbacada usbuucan, laakiin waxa la filayaa in xiddig kale uu soo noqdo oo uu ka fudaydiyo dhaawacyada toddoba ciyaartoy oo hadda miiska daaweynta ku qaadanaya.David de Gea ayaa noqday ciyaartoygii ugu dambeeyey ee dhaawac soo gaadho, waxaana laga saaray kulankii Southampton ee Axaddii kaddib markii uu ku dhacay birta goolka isagoo isku dayayey inuu…