Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Manchester United vs RB Leipzig
Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford kula ciyaaraysa RB Leipzig iyadoo maanka ku haysa in guul ay u baahan tahay si ay hoggaanka Group H usii hayso.
United ayaa usbuucii hore waxay 2-1 kusoo garaacday PSG, halka RB Leipzig ay cudud kusoo jiidhay kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksekir, taas oo kulankooda ka dhigtay in midkooda badiyaa uu si buuxda hoggaanka ugu qaban doono Group-kan oo hadda ay farqiga goolasha ku haysa Leipzig.
Labadan kooxood ayay ciyaartoodani tahay markii ugu horreysay ee ay isku arkaan tartamada Yurub, waxaana ay midba midda kale ku tahay mid aanay taatikadeeda hore usoo arag marka laga reebo telefishannada oo ay ka daawadeen.
Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa isbeddello waaweyn ku sameeyey safkiisa, waxaanu kaydka dhigay Fernandes, McTominay, Cavani iyo Rashford, halka uu kulankii ugu horreeyey oo Champions League ah ugu soo bilowday Van de Beek oo khadka dhexe ay ka wada ciyaarayaan Paul Pogba.
Anthony Martial iyo Mason Greenwood ayaa afka hore wada jooga, halka Fred iyo Matic ay dhexda dambe ee difaaca ka horreysa ka wada ciyaarayaan.
Laacibkii la siiyey xiddiga garoonka kulankii PSG ee Tuanzebe ayuu Solskjaer u diiday inuu kusoo bilowdo, waxaanu ka doorbiday Lindelof iyo Maguire halka garbahoodana ay yihiin Shaw iyo Wan-Bissaka.
Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood
Manchester United XI: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw, Fred, Matic, Pogba, Van De Beek, Greenwood, Martial.
Kaydka: Henderson, Fosu-Mensah, Mengi, Tuanzebe, Williams, Fernandes, James, Mata, McTominay, Cavani, Ighalo, Rashford.
RB Leipzig XI: Gulacsi, Angelino, Upamecano, Konate, Poulsen, Forsberg, Nkunku, Halstenberg, Olmo, Henrichs, Kampl.
Kaydka: Tschauner, Martinez, Orban, Sabitzer, Hwang, Adams, Sorloth, Samardzic, Kluivert, Borkowski, Martel, Wosz.