Skip to content
Thursday, September 17, 2026 4 Rabi al-Thani 1448 AH Fajr 04:40
Muqdisho 24°C
Breaking: Three Killed in News Helicopter Crash in Los Angeles
Breaking News
Axadle
Axadle Newsroom Sports English

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Juventus vs Barcelona – Koeman

Follow
Newsroom published Updated 6 years ago 2-minute read
Dhageyso Qodobada AI Narration • ~2 min audio

Juventus ayaa garoonkeeda Allianz Stadium ee magaalada Turin waxay ku qaabilaysaa Barcelona oo ay isku haleelayaan kulankooda koowaad ee wareegga Groups-ka tartanka Champions League.

Ciyaartan xiisaha leh oo uu ka maqan yahay xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo aan nasiib u yeelanin inuu garoonka kooxdiisa ku garaaco Lionel Messi oo xafiiltan weyni ka dhexeeyo ayaa waxa uu kasoo kaban waayay Korona Fayras oo saddex jeer oo laga baadhay intaba laga helay.

Lionel Messi oo aan wali ku guuleysanin garoonkan Juventus ee Allianz Arena ee sannadaha ka hor la dhisay ayaa hoggaaminaya shaxda uu tababare Ronald Koeman kusoo bilaabay garoonka, waxaana uu noqon doonaa mid bandhiggiisa si gaar ah indhaha loogu hayo maadaama uu xili ciyaareedkiisii ugu dambeeyey ku qaadanayo Barcelona, sidii uu hore usii sheegay.

Saxeexii cusbaa ee Barcelona ay kala wareegtay Juventus ee Pjanic ayaa khadka dhexe kusoo bilowday, waxaanay is garab taagan yihiin De Jong iyo Pedri.

Afka hore ee weerarka ay ku mataanaysan yihiin Lionel Messi, Dembele iyo Antoine Griezmann, iyadoo uu Ansu Fati kaydka ku jiro.

Dhinaca juventus, waxa  hoggaaminaya weeraryahanka Alvaro Morata iyo Paulo Dybala oo afka hore ah, waxaana dhexda u jooga Chiesa, Rabiot, Bentancur iyo Kulusevski, halka difaacana uu kusoo laabtay Bonucci oo ka garab ciyaaraya Demiral, Danilo iyo Cuadrado.

Shaxda rasmiga ah ee labada kooxood

Juventus: Szczesny; Cuadrado, Demiral, Bonucci, Danilo; Kulusevski, Bentancur, Rabiot, Chiesa; Dybala, Morata

Kaydka: Pinsoglio, Buffon, Arthur, Ramsey, McKennie, Bernardeschi, De Winter, Frabotta, Portanova, Riccio

Barcelona: Neto; Sergi Roberto, Araujo, Lenglet, Jordi Alba; Pjanic, De Jong; Pedri, Messi, Dembelé; Griezmann

Kaydka: Inaki Pena, Tenas, Dest, Busquets, Alena, Braithwaite, Ricard Puig, Trincao, Ansu Fati, Junior Firpo

How do you rate this story?

0 votes