Maaha Actual Madrid!! – Walaalka Paul Pogba Oo Si Cad U Tilmaamay Kooxda

Walaalka Paul Pogba ee Mathias ayaa si lama filaan ah walaalkii ugu sheegay inuu ku biiro kooxda ree Spain ee Barcelona walow mudo dheer lala xidhiidhinayay inuu ku biiro kooxda ay xifaaltamaan ee Actual Madrid.

Xiddiga ree France ayaa xilli ciyaareedkan qaab cajiib ah kusoo bandhigay Man United waxaana uu u muuqdaa mid ka xasiloon dhammaan xilli ciyaareedyadii hore.

Laakiin walaalkii oo caan ku ah inuu qaab layaab leh uga hadlo mustaqbalkiisa ayaa markan kula taliyay inuu dhinaca Camp Nou u wareego.

Pogba oo 28 sano jir ah ayuu heshiiskiisa Manchester yahay mid dhacaya xagaaga dambe waxaana la sheegayaa inuu doonayo mushahar 400,000 oo pound ah toddobaadkii si uu qandaraas kordhin u sameeyo.

United ayaa diidan inay dalabka lacagta intaas leeg ah aqbasho taas oo dhalisay in mustaqbalkiisa si xoogan looga hadlo muddooyinkan ugu dambeeyay.

Juventus, Actual Madrid iyo Barcelona ayaa dhammaantood lala xidhiidhinayay saxeexa Pogba laakiin lacagta ayaa ah mid wakhti xaadirkan ku yar guud ahaan kooxaha qaarada Yurub ee uu caabuqa Korona saameeyay.

Mathias Pogba oo muuqbaahiyaha El Chiringuito kasoo muuqday waraysina siiyay saxafi Jose Alvarez ayaa sheegay inuu ku rajo weyn yahay in walaalkii uu Barca ku biiri doono.

“Marka uu ku guuleysto Europa League ayaanu wada hadli doonaa, anigu waxba ma ogi laakiin adiga ayaan kula jiraa Jose, berri ayaan saxeexi lahaa haddii ay taasi tahay su’aasha, waxaan ku rajo weynahay inuu Barca u saxeexi doono”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More