Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Kane Mise Sancho? Man United Oo Go’aamisay Xiddiga Ay Saxeexiisa

Kooxda Manchester United ayaa lagu soo warramayaa inay kala dooratay xiddigaha lala xidhiidhinayo ee Jadon Sancho oo garab weerar uga ciyaara Borussia Dortmund iyo weeraryahanka dhexe ee Tottenham ee Harry Kane.Solskjaer ayaa bilaabay shaqada kooxdiisa ee xilli ciyaareedka dambe kaddib markii kulankii ugu dambeeyay xilli ciyaareedkii dhammaaday lagaga guuleystay UEFA Europa League.Ole ayaa qorshe cusub la dajiyay agaasimaha suuqa ee cusub ee John Murtough waxaana ay gabi ahaanba ka reebeen Harry Kane sida ay sheegayaan…

Lacagtu Champions League Ma Goyso!! – Akhriso Lacagta Uu Guardiola

Tababare Pep Guardiola ayaa xalay lumiyay fursad weyn oo uu ugu guuleysan karayay Champions League markale ciyaartii ka dhacday Estadio Do Dragao halkaas oo ay Chelsea guul 1-0 ah kaga gaadhay.Kooxda tababare Thomas Tuchel ayaa bil gudaheed dhigeeda uu Guardiola hoggaanka u yahay saddex tartan oo kala duwan saddex guulood kaga gaadhay iyaga oo xalay guushii uu Kai Havertz ku hoggaamiyay CL ku helay.Tan iyo magacaabistii Guardiola ee 2016, Manchester City ayaa qabsatay kubadda cagta England iyaga oo kusoo guuleystay saddex…

Waa Kuma Xiddiga Chelsea Ka Tirsan Ee Xalay Gadhka Iskaga Dhex Xiiray

Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Jorginho ayaa garoonka dhexdiisa lagaga xiiray gadhka kaddib Final-kii UEFA Champions League ee ay xalay guusha ka gaadheen Manchester City.Jorginho ayaa gadhkiisa garoonka ku xiiray maadaama oo uu ku guuldarraystay sharad uu la galay mid kamida saxafiyiinta gegida joogtay oo lagu magacaabo Fred Caldeira.Sharadka ayaa ahaa in haddii ay Chelsea ku guuleysato Champions League gadhka laga xiiri doono Jorginho halka saxafiga qudhiisana laga xiiri doono shaarubaha oo ugu dambayn uu isagana…

Thiago Silva Oo Weeraray PSG: “Mar Kasta Oo Ay Hadhaan, Waxay

Difaaca reer Brazil ee Thiago Silva ayaa weerar ku qaaday kooxdiisii hore ee PSG kaddib markii uu xalay Champions League kula guuleystay Chelsea.Thiago Silva ayaa ka sheekeeyey dhibaatooyinkii shaqsiga ahaa iyo hab-dhaqankii aan wanaagsanayn ee uu kala kulmi jiray PSG marka ay kooxdiisu ka  hadho tartamada, gaar ahaan Champions League, waxaanu tibaaxsy in isaga laga dhigi jiray dembiile mar kasta oo khasaare yimaaddo.36 jirkan reer Brazil oo dhaawac kaga baxay qaybta hore ee kulankii finalka Champions League ee xalay ayaa…

“Tijaabadii Macallinka Waalan…!” Warbaahinta Ingiriiska Oo Dhulka

Wargeysyada waaweyn ee Ingiriiska ayaa saaka bogaggooda hore ku karbaashay tababare Pep Guardiola oo ay ku dhalliileen istaraatiijiyaddii ciyaareed ee kulankii finalka Champions League ee xalay ay Chelsea kaga qaadday Koobka.Cinwaano aad u kulul ayay wargeysyadu kusoo bandhigeen bogaggooda hore, waxaana midkii ugu adkaa uu u dhignaa sidan: “Tijaabadii macallinka waalan.”Daily Mirror ayaa waxa uu saaka cinwaan ka dhigay: “Qaladkii weynaa ee uu xukumay Guardiola”Wargeyska ayaa sheegay in uu qalad weyn ka sameeyey Pep Guardiola…

Muxuu N’Golo Kante Ka Yidhi Inuu U Qalmo Abaal-marinta Xiddiga

N’Golo Kante ayaa iska fogeeyey soo-jeedimaha sheegaya, in isagu uu u qalmo in la guddoonsiiyo abaal-marinta xiddiga adduunka ee N’Golo Kante ee sannadkan, kaddib markii uu kooxdiisa Chelsea la qaaday Champions League iyadoo uu wacdaro ka dhigay ciyaartii u dambaysay ee ay Man City ku garaaceen.N’Golo Kante ayaa ahaa xiddigii ugu wanaagsanaa kulamadii semi-finalka ee ay Real Madrid kusoo garaaceen iyo xiddiga ciyaartii finalka ee la guddoonsiiyey abaal-marinta Man of the Match.Garoonka Estadio do Dragao ayaa ahaa mid uu ku…

Thomas Tuchel Oo Daboolka Ka Qaaday Ballan-qaad Uu Mulkiilaha Chelsea

Mulkiilaha Chelsea ee Roman Abramovich ayaa usoo degay garoonka gudihiisa markii ay kooxdiisu ku guuleysatay Champions League, waxaana dabbaal-degga iyo farxadda kaddib uu waqti la qaatay tababare Thomas Tuchel oo uu u sameeyey ballan-qaad.Tababaraha reer Germany ee Thomas Tuchel iyo Abramovich ayaa kulan ku yeeshay gudaha garoonka kubadda cagta Estadio do Dragao, laakiin ma ahayn xilli ay ka wada hadli karaan arrimo ka baxsan inay iskugu hambalyeeyaan guusha, sidaas oo ay tahay, Abramovich ayaa kulankaas uga faa’iidaystay…

Iska Illow N’Golo Kante, Kai & Rudiger: Rio Ferdinand Oo Magacaabay

Halyeygii hore ee Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa magacaabay xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaartoyda Chelsea kulankii finalka Champions League ee ay koobka kaga qaadeen Macnehster City.Blues ayaa 1-0 kaga adkaatay Manchester City, waxaanay gacanta ku dhigtay koobkeedii labaad ee Champions League ah iyadoo markii ugu horreysay ee ay hanato ay ahayd 2012 oo ay Bayern Munich ka qaadday.Kai Havertz ayaa dhaliyey goolka madiga ah ee kulanka  ee guusha u horseeday Chelsea, taas  oo ahayd kubbad  uu usoo dhiibay Mason Mount oo…

“Waxa Aan Ku Dhaaranayaa, In Kante Uu Yahay Binu-aadka Ugu Wanagsan

N’Golo Kante ayaa la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddigii ugu wanaagsanaa garoonka, kulankii finalka Champions League ee ay ku garaaceen Manchester City, waxaanu ahaa laacibka qabsadayy khadka dhexe ee ciyaarta hagayey.Xiddigan gaaban ee dhererkiisu yahay 5-ta fiid iyo 6-da inji ayaa meel kasta oo garoonka ah ordayay, waxaana uu kubbado halis ah geynayay xerada ganaaxa City agteeda halka uu ahaa ciyaartoyga kubbadaha ugu badan ka dilayay City, iyadoo sidii la filayay aanu u muuqanin Jorginho oo la arkayay in uu haftay halka…

Pep Guardiola Oo Sharraxay Go’aan Ka Yaabiyey Thomas Tuchel Xalay,

Pep Guardiola ayaa sharraxaad ka bixiyey go’aan uu qaatay kulankii xalay ay kooxdiisa guul-darradu kasoo gaadhay ee  finalka Champions League, taas oo ay 1-0 ku badisay Chelsea oo ku guuleysatay koobkan markeedii labaad.Tababaraha reer Spain ayaa go’aan layaab lahaa qaatay, waxaana uu kaydka geliyey ciyaartoyda kubbad-burburiyeyaasha, waxaanay taasi faa’iido u noqotay Chelsea oo khadka dhexe ku awood roonaatay.Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa qirtay inuu la yaabay Guardiola markii uu shaxdiisa ka waayey Fernandinho,…