Man United Oo Qarka U Saaran Inay Heshiis Cusub Ka Saxeexato Bruno

Kubad sameeyaha kooxda Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa ku dhaw inuu kooxdaas u saxeexo heshiis cusub oo uu mushahar ahaan toddobaadkii 200,000 oo pound ku qaadanayo.

Wakiilka 26 sano jirkaas ee Miguel Pinto ayaa horraantii toddobaadkan soo gaadhay magaalada Manchester si uu qoddobo cusub iyo heshiis cusub oo mushahar ah laba jibaarka midkiisii hore ugala hadlo madaxda Man United sida uu sheegay wargeyska The Mirror.

Fernandes ayaa ahaa mid si weyn wax ugu taray United tan iyo markii uu kusoo biiray January 2020 isaga oo markasta joogto ka ahaa shaxda tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Fernandes ayaa xilli ciyaareedkan oo ah midkiisii ugu horreeyay ee dhammaystiran ee uu Old Trafford ku qaadanayo soo dhaliyay 28 gool halka uu 17 kale caawiye ka ahaa tartamada oo dhan.

Walow heshiiskiisa hadda ay wali afar sano oo kale ka hadheen haddana Red Devils ayaa doonaya inay heshiis cusub ugu abaalmariyaan qaab ciyaareedkiisa heerka sarre ah.

The Mirror ayaa sheegaya in maamulka sarre ee Man United ay doonayaan inay heshiiska cusub ee Fernandes dhammaystiraan kahor bilaabashada tartanka Euros.

Si kastaba, kooxda ayaan diyaar u ahayn inay iibiso sanadaha soo socda iyaga oo ku daraya heshiiska qoddob dhigaya inaan lacag lagu jabin karo jirin si ay uga hor tagaan dalabaadka kooxaha kale uga iman kara sanadaha soo socda.

Dhawaan ayay ahayd markii uu Bruno sheegay inuu ku faraxsan yahay horumarka ay United samaynayso kaddib markii ay xaqiiqsatay ku dhammaysiga booska 2-aad ee PL sidoo kalena ay Final-ka Europa League gaadheen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More