Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

CR7 Oo Old Trafford Ku Jeeda, Real Oo Heshay Tababaraheeda Cusub,

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa si xowli ah ku socda iyadoo kooxaha Yurub ay isku diyaarinayaan xilli ciyaareedka soo socda, waxaa durba jira heshiis la dhameystiray halka xiddigo waa weyn la filayo inay kooxo cusub u wareegaan xagaagan.Hadaba waxaan halkaan idiin kugu soo gudbineynaa saaka wararkii ugu danbeeyay suuqa kala iibsiga ciyaartoyda ee ay qoreen wargeysyada.Manchester United ayaa si dhab ah uga fiirsaneysa inay dib u la soo saxiixato xiddiga Juventus iyo xulka Portugal Cristiano Ronaldo oo 36 sanno jir ah, waxaana…

Wajigabaxii Ku Dhacay Willian Markii Ay Chelsea Qaaday Champions

Willian ayaa wajigabax la kulamy ka dib hadal ka tagay markii uu u saxiixayay Arsenal taasoo haatan dharbaaxo ku noqotay.Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Brazil oo 32 sanno jir ah ayaa ka tagay Chelsea una wareegay Emirates Stadium xagaagii la soo dhaafay.Taageerayaasha ayaa wax badan ka filanayay xiddigaan ka dib markii uu wacdarro dhigayo kulankiisii ugu horeysay ee Gunners laakiin weeraryahanka ayaa kaliya sameeyay lix caawin xilli ciyaareedka oo dhan isagoo dhaliyay kaliya hal gool kulankii ugu danbeeyay ee xilli…

Abramovich Oo Qalinka Ku Duugay 200 Milyan Oo Chelsea Ay Seddex Xiddig

Tababaraha Chelsea Thomas Tuchel ayaa la siin doonaa lacag gaareysa 200 milyan ginni uu qarashgareeyo xagaagan iyadoo macalinka reer Jarmal uu ugu yaraan doonayo inuu lacagtaas ku soo xerogeliyo seddex laacib oo aan kala dhicin.Tuchel ayaa Chelsea ku hogaamiyay koobka Champions League Sabtidii iyagoo 1-0 kaga badiyay Manchester City finalkii ka dhacay magaalada Porto, taasoo keentay in qandaraaskiisa uu kordho madaama uu dhici lahaa xagaaga danbe.Chelsea ayaa qarashgareysay 220 milyan ginni xagaagii la soo dhaafay, laakiin…

Eden Hazard Oo Afka Furtay Si Rasmi Ahna Uga Hadlay Haddii Uu Ku

Eden Hazard ayaa meesha ka saaray inuu ku soo laabanayo Chelsea xagaagan isagoo sheegay inuu u heelan yahay inuu noqdo xiddiga ugu weyn Real Madrid.Xiddiga reer Belgium oo 30 sanno jir ah ayaa todoba sannadood oo guulo ahaa ku qaatay Stamford Bridge ka hor inta uusan ka tagin kuna biirin kooxda reer Spain sannadkii 2019.Hazard ayaa ku guuleystay labo koob oo Premier League ah, Europa League iyo FA Cup intii uu joogay Chelsea isagoo mudadaas ka mid noqday xiddigaha ugu fiican Yurub.Laakiin xaalad taas ka duwan ayuu Hazard ku…

Muxuu Sergio Aguero Ka Yidhi Ku Biiristiisa Barcelona & Sharraxaad Uu

Sergio Aguero ayaa maanta si rasmi ah ugu wareegay Barcelona oo uu u saxeexay heshiis laba sannadood ah, isagoo si bilaash ah ugaga yimid Manchester City.Xiddiga reer Argentina ayaa soo afjaray toban sannadood oo uu u ciyaarayay Manchester City, waxaana uu ka degay Barcelona kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisii Etihad Stadium, iyadoo kulankiisii ugu dambeeyey ee uu xidhay shaadhka City na uu ahaa finalkii Champions League ee niyad-jabku kasoo gaadhay.Sergio Aguero ayaa  qalinka ku duugay heshiis laba sannadood ah oo…

RASMI: Xiddigii Sannadka, Weeraryahankii, Goolhayihii, Difaacii Iyo

Horyaalka Talyaaniga ee Serie A ayaa xiddigii ugu wanaagsanaa xilli ciyaareedkii dhamaaday ee 2020-21, waxaana ku guuleystay weeraryahanka reer Belgium ee Romelu Lukaku oo Inter Milan ka caawiyey in ay ku guuleysato horyaalka Talyaaniga.Lukaku oo xilli ciyaareedkan dhaliyey 24 gool iyo 11 caawimood oo uu sameeyey ayaa kooxdiisa ku hoggaamiyey horyaalkeedii ugu horreeyey muddo toban sannadood ah iyagoo soo afjaray muddo sagaal sannadood ahayd oo ay Juventus si xidhiidh ah horyaalka ugu guuleysanaysay.Kaddib markii xiddiga ugu…

Trent Alexander-Arnold Oo Laga Reebay Xulka Qaranka England Ee

Liiska kama dambaysta ah ee xulka qaranka England ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ayaa lagu dhawaaqi doonaa Salaasada berri, iyadoo uu tababare Gareth Southgate u gudbin doono xidhiidhka kubadda cagta Yurub.Southgate ayaa hore usoo saaray liiska xulka qaranka England oo ka kooban 33 ciyaartoy, laakiin waxa laga doonayaa in uu ka saaro toddoba ciyaartoy oo uu ka dhigo 26 laacib oo ah tirada loo ogol yahay.Difaaca midig ee Liverpool ee Trent Alexander-Arnold oo hore looga saaray liiska xulka qaranka England ee…

Sergio Ramos Oo Shandaddiisa Ka Xidh-xidhay Spain, Heshiiska Bilaashka

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa u dhow in ay gacanta ku dhigto kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos oo uu dhamaaday qandaraaskii uu ku joogay Santiago Bernabeu, isla markaana aan wali ogolaanin in uu saxeexo qandaraas cusub.Tababare Pep Guardiola ayaa xiisaynaya in kooxdiisa uu kusoo kordhiyo Sergio Ramos, si uu habkiisa difaaca ugu kordhiyo khibradda iyo hoggaaminta uu sannadaha badan ka helay garoomada, sida uu Thiago Silva sare ugu qaaday tayada Chelsea oo kale.Difaacan reer Spain oo Real Madrid u dhaliyey in ka…

DAAWO: Kevin De Bruyne Oo Lagu Daray ‘Liiska Xiddigaha Ku Dhacay

Muuqaal lagu soo ururiyey dhacdooyinkii N’Golo Kante iyo Kevin de Bruyne ee finalkii Champions League, waqtiyadii ay labadoodu sida foolka-foolka ah iskaga hor yimaaddeen ayaa baraha bulshada in badan la iskula wadaagay.Xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kante ayaa jeebadda ku ritay Kevin de Bruyne, marar dhawr ahna ka xoogsaday kubadda, iyadoo mid ka ah ay halis geli lahayd Chelsea  haddii aanu Kante isku soo tuuri lahayn De Bruyne oo kubadda kala horreeyey, taas oo uu aadyar lugta kusoo fidiyey oo uu ka gujiyey.Finalkii…

Wargeyska MEN Oo Shaaciyey Liiska 25ka Xiddig Ee Manchester United Ee

Garoonka Old Trafford, waxa xilli ciyaareedka dambe isku heli doona 25 ciyaartoy oo waaweyn oo tababare Ole Gunnar Solskjaer uu nasiib u yeelan doono in uu layliyo, laakiin laga doonayo in uu la yimaaddo xeeladdii uu kaga dhigi lahaa kuwa ugu wanaagsan, isla markaana uu ugu dagaallami lahaa horyaalka Premier League.Manchester United oo kaalinta labaad  ka gashay horyaalka Premier League, waxa kale oo ay gaadhay finalka Europa League oo Villarreal ay kaga guuleysatay.In ay yimaaddeen labadan meelood ee ugu dambeeya, waxay…