Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Muxuu Sameeyey Florentino Perez Ee Uu Ka Cadhooday Zidane? – Wargeyska

Real Madrid ayaan ka bixin bogagga hore ee wargeysyada muddooyinkii u dambeeyey, waxaana inta badan la hadal hayay mustaqbalka Zinedine Zidane oo maalinba wax cusub kasoo kordhayey, ilaa ugu dambayntii uu ku dhawaaqay in uu iscasilay.Toddobaadkii hore ayuu Zidane si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka tegay kooxdaas, waxaana war qoraal ah oo ay Los Blancos soo saartay ay ku sheegtay in ay ixtiraamayso go’aanka uu gaadhay tababaruhu ee ah inuu iska tegayo.Taageereyaasha ayaa isweydiinayey sababta uu Zidane uga tegay kooxda iyadoo…

Lionel Messi, Lewandowski, N’Golo Kante: Sidee Loo Kala Horreeyaa

Abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or iyo midda kale ee ay FIFA bixiso ee The Best, waxay illaa hadda u dhaxaysaa laba ciyaartoy oo Faransiis ah, laakiin waxa isbeddel ku keeni kara tartamada caalamiga ah ee Euro 2020 iyo Copa America ee bisha June ka bilaabmaya qaaradaha Yurub iyo Latin America.Xilli ciyaareedka dambe oo isaguna illaa qaybta hore lagu dari doono qiimaynta xiddigaha bandhigga wanaagsan sameeya, waxay iyaguna qayb ka qaadan doonaan go’aanka lagu xulanayo xiddiga ugu fiican sannadka ee la siinayo…

RASMI: Dalka Lagu Ciyaari Doono Copa America Oo Lagu Dhawaaqay Kaddib

Xidhiidhka kubadda cagta South America ee CONMEBOL ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dalka ay u wareejiyeen martigelinta tartanka Copa America kaddib markii ay ka qaadeen dalalka Argentina iyo Colombia.CONMEBOL ayaa sheegay in tartanka lagu martigelin doono oo lagu qaban doono gudaha dalka difaacanaya koobka ee Brazil.Dalalka Argentina iyo Colombia ayaa la filayay inay si wadajir ah u qabtaan martigelinta iyadoo noqon lahayd markii ugu horreysay ee ay laba dal wada martigeliyeen koobkaas 105-ta sano ee uu jiro.CONMEBOL ayaa…

Sababtii Dhabta Ahayd Ee Zinadine Zidane Ku Dhalisay Go’aanka Uu Kaga

Tababarihii ka tagay kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa ugu dambayn saaka soo saaray waraaq furan oo uu u diray jamaahiirta kooxdaas isaga oo ugu caddeeyay sababtii uu kooxda uga tagay.Walow ay jiraan sababo kala duwan oo Zidane ku qasbay inuu iskaga tago Real Madrid haddana waxa jirta hal sabab oo la sheegay inay tahay mid ku qalqaalisay inuu deg-deg su’aal u geliyo sii joogistiisa kooxda.Zidane ayaa ayaan haysan taageerada kooxda waxaana uu si buuxda u dareemay inaysan kooxdu isaga taageersanayn markii uu galay…

TOP 30: SODDONKA Kooxood Ee Ugu Wanaagsan Dunida Oo La Qiimeeyay,

Kooxda ree London ee Chelsea ayaa dirtay fariin toos ah kaddib markii ay ku guuleysatay UEFA Champions League, ma jirin qof sidaas qiyaasi karayay markii uu xilli ciyaareedkoodu dhulka galay ee shaqada laga caydhiyay tababare Frank Lampard.Si kastaba, Chelsea oo xilli ciyaareedkan badhtamihiisii dhibaato weyn soo martay ayaa awooday inay Manchester City Champions League 1-0 ugaga guuleysato ciyaartii ka dhacday magaalada Porto.Kooxda tababare Thomas Tuchel ayaa loo arkayay mida awood ahaan liidata ciyaartii ay City guusha ka…

Miyuu Cristiano Ronaldo Ka Tagayaa Juventus Sanadkan? Saaxiibta CR7 Ee

Georgina Rodriguez oo ah saaxiibta Cristiano Ronaldo ayaa ka jawaabtay su’aal la xidhiidha mustaqbalkiisa xilli ay jiraan warar sheegaya inuu iskaga tagayo kooxdiisa Juventus suuqa xagaaga sanadkan.Ronaldo ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo laga xusi karo Manchester United oo uu horeba ugu soo ciyaaray iyo Paris Saint-Germain kaddib markii uu niyad jab ku noqday xilli ciyaareedkii dhammaaday ee 2020-21.Sidoo kale kooxaha lala xidhiidhinayo Cristiano ayay kamid tahay kooxdii uu xirfadiisa ciyaareed kasoo bilaabay ee Sporting…

TOBBANKII Saxeex Ee Ugu Xumaa Premier League Suuqii Xagaaga 2020 &

Iyadoo xilli ciyaareedkii horyaalka Premier League uu soo dhammaaday haatan waa wakhtigii la samayn lahaa falcelin, walow uu xataa caabuqa Korona Fayras saameeyay kooxaha dhaqaale ahaan haddana lacago badan ayay saxeexyo ku bixiyeen xagaagii 2020 iyo January 2021.Saxeexyada qaar ayaa ahaa kuwo cajiib ah waxaana laga xusi karaa Edinson Cavani, Emi Martinez iyo Jesse Lingard balse waxa jira kuwo kale oo badan oo sidii laga filayay aan noqon.Haddaba, waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa tobbanka saxeex ee lagu qiimeeyay inay…

HESHIIS DHAN: Liverpool Oo Saxeexeedii Labaad Ee Xagaaga

Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay dhammaystirtay saxeexa Fatawu Abdul Issahaku oo loo arko mid kamida xiddigaha da’yarta ah ee kasoo baxaya qaarada Africa kuwooda ugu wanaagsan. Issahaku oo 17 sano jir ah ayaa kasoo baxay kooxda heerka labaad ee dalkiisa Ghana ee lagu magacaabo Steadfast FC, Reds ayaa la xusayaa inay heshiis shan sano ah ka saxeexdeen da’yarkaas. Fatawu Abdul Issahaku ayaa ah mid ka ciyaara booska no.10-ka waxaana uu helay dalabaad badan oo uga yimid kooxo ree Yurub ah isaga oo qarka u fuulay…

RASMI: Dalka Argentina Oo Laga Wareejiyay Martigelinta Copa America &

Koobka weyn ee Copa America ayaan haysan dal martigeliye ah hadda walow ay kaliya 13 maalmood ka hadheen wakhtiga uu bilaabmi lahaa iyadoo hadda laga qaaday martigelintiisa dalka Argentina kaddib markii uu heerka xanuunka Korona Fayras aad u kordhay.Tartankaas oo ay kasoo muuqanayeen 10 dal oo South American ahi ayaa lagu qabanayay dalalka Argentina iyo Colombia sida markii hore loo qorsheeyay inta u dhaxaysay 13-ka June ilaa 10-ka July.Si kastaba, Colombia ayaa laga qaaday masuuliyada martigelinta tartanka 20-kii bishii May…

Liverpool Oo Philippe Coutinho U Qaadanaysa Deyntii Ay Ku Lahayd

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa dib u helaysa xiddigeedii ay £142 milyan oo Gini ku iibisay ee Philippe Coutinho oo si bilaash ah ugu soo laabanaya kaddib saddex sannadood iyo badh uu ka maqnaa, waxaanu markan ugu soo laabanayaa si bilaash ah iyadoo u qaadanaysa dayntii ay ku lahayd Barcelona.Barcelona ayaa lagu soo warramayaa in ay u bandhigtay Liverpool in dayntii ay kaga lahayd iibkii Coutinho ay dib ugu qaadato isla laacibkan, laakiin lacagta ayaa ah mid aad u yar marka la barbar-dhiga midda ay ka bixisay.Coutinho…