Lionel Messi, Lewandowski, N’Golo Kante: Sidee Loo Kala Horreeyaa
Abaal-marinta xiddiga adduunka ee Ballon d’Or iyo midda kale ee ay FIFA bixiso ee The Best, waxay illaa hadda u dhaxaysaa laba ciyaartoy oo Faransiis ah, laakiin waxa isbeddel ku keeni kara tartamada caalamiga ah ee Euro 2020 iyo Copa America ee bisha June ka bilaabmaya qaaradaha Yurub iyo Latin America.
Xilli ciyaareedka dambe oo isaguna illaa qaybta hore lagu dari doono qiimaynta xiddigaha bandhigga wanaagsan sameeya, waxay iyaguna qayb ka qaadan doonaan go’aanka lagu xulanayo xiddiga ugu fiican sannadka ee la siinayo labadan baal-marinood amaba midkood.
Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Chelse ee N’Golo Kante ayaa kaalinta koowaad ku jira, boodhkana ku qasay Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo kaddib wacdarihii uu ka dhigay tartanka Cahmpions League ee uu kooxdiisa ugu qaaday koobka iyo horyaalka Premier League oo uu aas-aasi ka ahaa.
Laacibkan oo dhererkiisu yahay 5 fiit iyo 6 inji oo kaliya, waxa layaab noqotay in kulankii Man City ee finalka Champions League uu ku guuleystay 11 kubbadood oo sarreeyey oo uu madax galay, waana wax lala yaabo maadaama uu ahaa laacibka ugu gaaban ee garoonka ku jiray.
Qiimayn la sameeyey ayaa waxay muujinaysaa in weeraryahanka reer France ee Kylian Mbappe uu yahay ciyaartoyga labaad ee ugu wanaagsan illaa hadda, waxaanu ku xigaa N’Golo Kante, halka Neymar oo ay isku koox yihiin uu fadhiyo kaalinta 20aad.
Robert Lewandowski iyo Kevin de Bruyne ayaa ku kala jira kaalmaha saddexaad iyo afraad, halka Lionel Messi uu soo cidhiidhsaday shanaad.
Cristiano Ronaldo ayaa hoos u dhac weyni ku yimid xilli ciyaareedkan inkasta oo uu goolal badan u dhaliyey Juventus, waxaana uu fadhiyaa kaalinta 10aad, taas oo rajo la’aan ka dhigaysa fursadda uu ku heli karayo Ballon d’Or illaa uu dib kasoo noolaado oo uu qaab ciyaareed wanaagsan ka muujiyo Euro 2020 iyo xilli ciyaareedka dambe qaybtiisa hore.
Halkan kaga bogo 20ka xiddig ee ugu cadcad Ballon d’Or:
20. Neymar (Paris Saint-Germain)
19. Gerard Moreno (Villarreal)
18. Thomas Muller (Bayern Munich)
17. Jadon Sancho (Borussia Dortmund)
16. Luis Suarez (Atletico Madrid)
15. Harry Kane (Tottenham)
14. Bruno Fernandes (Manchester United)
13. Mason Mount (Chelsea)
12. Ilkay Gundogan (Manchester City)
11. Erling Haaland (Borussia Dortmund)
10. Cristiano Ronaldo (Juventus)
9. Phil Foden (Manchester City)
8. Karim Benzema (Real Madrid)
7. Romelu Lukaku (Inter Milan)
6. Ruben Dias (Manchester City)
5. Lionel Messi (Barcelona)
4. Kevin De Bruyne (Manchester City)
3. Robert Lewandowski (Bayern Munich)
2. Kylian Mbappe (Paris Saint-Germain)
1. N’Golo Kante (Chelsea)