TOP 30: SODDONKA Kooxood Ee Ugu Wanaagsan Dunida Oo La Qiimeeyay,
Kooxda ree London ee Chelsea ayaa dirtay fariin toos ah kaddib markii ay ku guuleysatay UEFA Champions League, ma jirin qof sidaas qiyaasi karayay markii uu xilli ciyaareedkoodu dhulka galay ee shaqada laga caydhiyay tababare Frank Lampard.
- Advertisement -
Si kastaba, Chelsea oo xilli ciyaareedkan badhtamihiisii dhibaato weyn soo martay ayaa awooday inay Manchester City Champions League 1-0 ugaga guuleysato ciyaartii ka dhacday magaalada Porto.
Kooxda tababare Thomas Tuchel ayaa loo arkayay mida awood ahaan liidata ciyaartii ay City guusha ka gaadheen si lamid ah inta badan kulamadii ay kahor tageen Atletico Madrid, FC Porto iyo Real Madrid,
Haddaba. su’aasha ayaa ah halkee ayay Chelsea kaga jirtaa kooxaha ugu wanaagsan dunida kaddib guusheedii Champions League?
Shabakadda GIVEMESPORT ayaa hadda qiimayn ku samaysay 30-ka kooxood ee ugu wanaagsan dunida iyadoo adeegsanaysa xogta ay ka heshay shabakadda xog ururinta ee FiveThirtyEight.
Qiimayntan ayay booska 1-aad kaga jirtaa kooxdii Champions League laga qaaday ee Manchester City halka ay booska 2-aad fadhido Bayern Munich oo iyadu sanadkii hore ku guuleysatay koobka.
Chelsea ayaa guusha CL ku heshay booska saddexaad iyada oo kasoo hormartay Barcelona oo si lama filaan ah booska afraad u joogta walow ay qudheedu sanado adag soo qaadatay.
Qiimaynta Oo Sawir Ah & Sida Loo Kala Sarreeyo.